|

Somaliland ,ayaa madaxda dawladda Soomaaliya uga digay inay sheegtaan dhul ka mid ah Somaliland, kuna qortaan Distoorkooda cusub.

Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar, ayaa madaxda dawladda Soomaaliya uga digay inay sheegtaan dhul ka mid ah Somaliland, kuna qortaan Distoorkooda cusub.

Wasiirka oo hadal ka jeediyey munaasibad xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye maanta ku soo bandhigay haweenay u sharaxan doorashada Deegaanka Hargeysa, waxa uu ku dooday in sheegada dawladda Soomaaliya ay xasilooni-darro ka abuuri karto gobolka Geeska Afrika.

Wasiirku waxa uu Somaliland ugu baaqay inay is taageeraan si ay Dumar badani ugu soo baxaan Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee soo socda. Mr. Maxamed Cabdullaahi Cumar waxa uu iftiimiyay in wadahadaladii dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland ay salka ku hayaan sidii ay Somaliland qadiyadeeda uga iibin lahayd beesha caalamka, waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in Distoorka cusub ee Soomaaliya loo sameeyay lagu sheegto deegaamo ka mid ah Somaliland, waxaanu xusay in arrintaasi ay xasilooni daro ku soo kordhinayso Mandaqada, waxa uu Wasiirku u soo jeediyay Madaxda Somalia inay ka waantoobaan sheegashada ay waraaqaha ku qoranayaan Somaliland.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3781

Posted by on Aug 25 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented