|

Xubnihii lagu dhaganaa ee soo gali lahaa Barlamanka Cusb oo Maxkamada sare Murankooda loo gudbiyey (Dhageyso Madaxweyneshariif oo ka hadlayo arinkaasi)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay in kadib shir ay wada qaateen  saxiixayaasha qariidada nabadda ee Road-Mapka ay ku go’aamiyeen in arintaasi loo gudbiyo Maxkamadda Sarre ee Dalka si ay go’aan uga gaarto xubnaha la celiyey maadaama ay dadkani yihiin dad muwaadiniin ah oo qaarkood ay qeyb ka ahaan qorshan mudada fog soo socday.

“markii aan isla fiirinay dadkii ay gudigu soo celiyeen qaabka ugu haboon waxey nala noqotay inaan dhahno Maxkamadda sare haloo celiyo waayo dadkaan waa muwaadiniin qaarkoodna waxey qeyb ka ahaayeen qorshahan Maxkamadda sare ayaana ah cidda xaqa u leh iney go’aanka ugu dambeyso ka qaadato waxaanna rajeynayaa in 24ka saac ee soo socda ay go’aan ka gaarto,maxkamad horey u xukuntayna ma jirto”ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa rajeeyey in Umaddu ay hesho baarlamaan buuxa sida ugu dhaqsiyaha badan si howlaha harsan loo dhameystiro.

Halkaan Hoose ka dhageyso

http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2012/08/Riix-Halkaan-Si-Aad-U-Dhageysato-Shirka-Jaraaid-ee-Madaxweyne-Shariif-Uu-Caawa-Qabtay.mp3

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=3800

Posted by on Aug 26 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented