Ahlu Sunna oo dawlad goboleed u samaynaysa gobolada dhexe.
Ahlu sunadda gobolada dhexe ayaa wada qorshe ay deegaanada ay ka taliyaan uga dhisiyaan dawlad ka goboleedka madax banaan dawlada Soomaaliya.
Kulan ay magaalada Guriceel ku leeyihiin mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ayaa waxaa looga arrinsanayaa sidii gobolada dhexe iyo deegaanada ay Ahlu Sunna ka jirto oo ah dhan looga dhisi lahaa m/mul goboleed gaar ah oo la mid ah n/mul goboleedyada dalka ka jira.
Wararku waxay sheegayaan in mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ay sheegeen inay la shaqeyn doonaan m/mul ay dawladu horey ugu dhistay gobolka Galgaduud haddana ay doonayaan inay dhisaan dawlad goboleed laga dhisayo gobolada dhexe iyo deegaanada kale ee Ahlu sunna ka taliyaan.
Ahlu Sunna ayaa ka mid ah dhinacyada siyaasadda Soomaalida ee haddana ku jira saxiixayaasha qorshaha Road-Map,ka
Dawlada ayaa horey gobolka Galgaduud oo ka mid ah gobolada ay Ahlu Sunna ka taliso ugu dhistay m/mul dawlada hoos taga.
xafiiska Wararka Muqdisho ee www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4048