|

Maxkamda Sare oo ,ogolatay in Hogaamiye koxed yadii Dalka ay soo galaan Barlamanka Soomaaliya.

Maxkamada sare ee dalka ayaa go,aan ka gaartay xubnihii loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Dooda Maxkamada oo maanta ka bilaabatay xarunta Maxkamada ayaa waxaa lasoo gaba gabeeyay goordhaweyd iyadoo go,aanka uu soo baxay mardhaw islamarkaana uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka.Ceydiid Ilka Xanaf oo ah Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka ayaa wuxuu sheegay in markii ay sameeyeen dabagal iyo baaritaano dheeri ah kadib ay go,aan ka gaareen xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya .

Ceydiid Ilka Xanaf ayaa wuxuu sheegay inay go,aanka maxkamada ay ka qaadatay xubnaha Baarlamaanka ee la diiday uu yahay mid u ogolaanaya in xubnahaasi ay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub.

Xubnaha cusub ee muddooyinkii dambe muranka uu ka taagnaa kamid noqoshadooda Baarlamaanka cusub ayaa waxaa kamid ah Maxamed Qanyare Afrax iyo sidoo kale xubno kale.

Abukaate Ceydiid Ilka Xanaf Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Guddiga farsamada ee soo xulidda Baarlamaanka cusub ay cadeyn waayeen waxyaabaha loogu diiday inay kamid noqdaan xubnaha Baarlamaanka ee Maanta maxkamada ay u ogolaatay inay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub.

Go,aanka Maxkamada sare ee dalka ayaa si aad ah looga dhulsugayay waxaana arintani ay kusoo aaday iyadoo hada uu socdo codeynta Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

xigasha :risala

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4023

Posted by on Aug 28 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented