|

Maxamed Farmaajo oo hambaliyo u diray Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo Xildhibanada Cusub ee Soomaaliya.

R/wasaarihi hore ee Somalia Dr Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa uu  hambaliyo iyo boogaadin uu diraya  Afhayeenka Cusube ee Barlamanka Somalia  Prof Maxamed Cisman Jawaari.

Dr Maxamed Cabdilahi Farmaajo  ayaa waxaa uu doraashada  Prof Maxamed Cisman Jawaari ku tilmaamay waa  cusub oo u baryan  ummada Somalia .

”   Prof Maxamed Cisman Jawaari wa Aqonyahan  mudo dheer Maamul ku soo jiraay isla markana wax weyn ka badali kara  marxaalada adag ee ay somalia ku sugantahay iminka ayu yiri  Farmaajo”

Afhayeenka Barlamanka  waa Shaqo aan sahlanayn  waxaana  ka bixin  kara oo si nadiif ah bulshada ugu adeegi kara  qofka wax ka yaqaana  Sharciga    Prof Maxamed Cisman Jawaari waxaan filaya in uu  ka bixi karo  dhamaan shurudahas marka waxaan leyahay ilahay  xilka aad qadaay  ha ku fududeeyo  hana kula garab galo.

Dhanka kale  Mudane Farmaajo ayaa waxaa uu sido kale  hambaliyo u diray  Dr Cali Khaliif Galayr oo  asaguna mujiyay dadaal  badan balse  aan nasiib u yeelan  in uu haleelo  Afhayeenka Barlamanka Somalia.

” Waxaan halkan  sido kale ka bogadinaya  Dr Cali Khaliif oo asaguna mujiyay dadaal   dheeri ah waxaan  leyahay waxaad mujisay  karti iyo wanag marki aad walalka u tanasushay.

Ugu danbeyn R/wasaarihi hore ee Somalia Dr Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa waxaa uu sido kale hambaliyo  u diray  Xildhibanada Cusub ee Somalia oo uu ku shegay  geesiyaal uso diyaar garobay in ay  dhibatada ka saraan Wadanka Somalia.

“Xildhiibaanada Cusub ee Somalia wa gesiyaal  ay ka go,antahay Samata bixinta  Qaranka Somaliyeed  waxana  cadeyn u ah  sida nadiifta ah ee ay codkooda u bixiyeen”  ayu yiri Formaajo

Farmaajo ayaa waxaa uu sido kale  Xildhibanada Cusub  ka codsaday in ay Codkooda siyaan si uu u dhamaystiro howlihii qaybyada ka ahaa waxaana uu balan qatay in 4 sano ee so socota uu  Somalia cusub dhidibada u taagi doono.

————————————–

Axmednuur Maxamed Jamac

Muqdisho-Somalia

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4069

Posted by on Aug 28 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented