Iniesta oo ku guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Yurub ugu wanaagsanaa 2011/2012.
Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona iyo xulka Spain Andres Iniesta ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga ugu wanaagsan Ciyaartoyda qaaradda Yurub ka ciyaarta xili ciyaareedkii dhamaaday ee 2011/2012.
Codeyn ay sameeyeen ilaa 53 wariye oo ka kala socday 53-da wadan ee qaaradda Yurub ka koobantahay ayaa Iniesta uu kaga adkaaday Messi iyo C.Ronaldo oo kula loolamaayay abaal marintaan.
19 Cod ayuu helay Iniesta halka Messi iyo Ronaldo ay heleen min 17 cod.
Abaalmarintaan oo la billaabay sanadkii hore ayaa waxaa la siiyaa Ciyaaryahanka loo arko in uu ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkii dhamaaday iyadoo loo firinaayo guulaha ay gaartay kooxdiisa iyo qarankiisa, waxaana la siiyaa xiddigaha ka ciyaara qaaradda yurub oo kaliya.
Waxaa lagu badalay abaalmarintii hore ee loo yaqaanay Uefa Ballon D’oro oo lala mideeyay Xiddiga aduunka Fifa World Player sanadkii 2010-ka.
Messi ayaa sanadkii hore ku guuleystay abaal marintaan, isagoo kaga adkaaday Xavi iyo Ronaldo.
brahim Gedow Awale (Biibbo),
injineerka3@hotmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4296