Xaflad lagu taageraayey Gudoonka cusub ee Barlamanka oo lagu qabtay Dalka South Afrika.
Xaflad ay soo qaban qaabiyeen Guddiga taakulaynta Saafarada Soomaaliya ee South Afrika,taasoo lagu taageerayay gudoonka cusub ee Barlamanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay magaalada johannesnurge ee dalka South Afrika.
Xafladaas oo ay kasoo qeyb galeen Guddiiga Safarada,Odayaal,ganacsato,iyo dhalinyaro ayaa waxaa lagu taageerayay gudoomiyaha cusub ee Barlamanka Soomaaliya iyo kuxigeenadiisa.
Qaar ka mid ah dadkii kasoo qeyb galay oo madasha ka hadlayay ayaa waxay si weyn ugu hadleen sida sida xurnimada leh ee loo doortay gudoomiyaha cusub ee barlamanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo kuxigeenadiisa iyagoo qaarkood xusay inuu Jawaari yahay nin Aqoon leh kana mid ahaa Guddigii qoray Dastuurka Soomaaliya waxayna kula dardarmeen inuu xilkiisa u gudo si daacadnimo ku jirto.
Sidoo kale waxaa xafladaasi Qudbad gaaban qadka Telfonka ugu qeyb qaatay isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya Safiirka Safaarada Soomaaliya u fadhiya dalka South Afrika Sayid Shariif Xasan shariif C/laahi isagoo sheegay in si weyn u soo dhaweynaayo Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya.
“Anigoo ku hadlaayo magaca jaaliyada Soomaalida South Afrika waxaan halkaan hambalyo ugu dirayaa Gudoomiyaha cusub ee Barlamanka Soomaaliya iyo kuxigenadiisa waxaanna leeyahay Allah idinka dhigo kuwii xilkooda si wanaagsan ugu soo baxa” ayuu yiri Safiirka.
Jeelle Cali Nuur oo ku hadlaayey magaca ganacsatada somalida South Afrika ayaa amaan u jeediyey gudoonka cusub ee somaliya.waxa uuna ku dhiirigaliyey in howshiisa uu u guto si daacadnimo iyo somaalinimo ay ku dheehantahay .Jeelle ayaa hadalkiisa sii raaciyey in doorashadaan ay tahay mid ka duwankuwii hore maadama lagu doortey wadanka gudihiisa.
Soomaalida ku dhaqan South Afrika ayaa si weyn u soo dhaweeyay Barlamanka dhawaan lagu doortay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho kaasoo noqonay kii ugu horeeyay muddo afartan sano si xur ah loo doorto.
C/raxmaan Nuur Jilley
South Africa /Johannesburg
jilley3@hotmail.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4332