|

Xiliga La qabanaayo Doorasahda Madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyey.

Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee shalay ay ansixiyeen Mudanayaasha Baarlamaanka Dalka ayaa maanta go’aamiyey xiliga ay dhaceyso ,doorashada Madaxweynaha Dalka.

Kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen gudiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gudigu waxa ay kulankaasi kasoo saareen xiliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Dalka iyo xiliga ay Musharixiinta xilkaasi u taagan hor tagayaan Baarlamaanka.

Afhayeenka gudiga Doorashada Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in gudigu kulankooda uu ku go’aamiyey in doorashada Madaxweynaha ay dhacdo 9ka bisha September.

Sidoo kale gudiga Doorashada ayaa waxaa ay go’aamiyeen in musharaxiintu araajidooda laga qaban doono islamarkaana ay gudiga usoo gudbin karaan inta u dhaxeysa 03-06 bisha September.

Musharaxiinta waxaa sidoo kale loo qorsheeyey iney hortagaan Baarlamaanka Soomaaliya si ay Xildhibaannada uga hor akhriyaan musharaxnimadooda 07-September.

In gudaha dalka Soomaaliya lagu qabto Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa guul ballaaran oo usoo hooyatay shacbiga Soomaaliyeed maadaama Madaxweyneyaashii ugu dambeeyey ee dalka soo maray lagusoo dooran jiray dalka dibaddiisa.

Ugu dambeyntii Afhayeenka gudiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahim waxa uu rajo ka muujiyey in waqtiyada ay go’aamiyeen gudiga doorashada ay ku dhacdo doorashada Madaxweynaha.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4336

Posted by on Aug 31 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented