Faallo: Saadaasha wax-qabad ee baarlamaanka cusub.
Inkastoo dad aqoon (wax ay soo barteen) lagu soo xulay ay ku jiraan baarlamaanka rasmiga ee Somalia, haba isaga dhex jiraan kuwa dano gaar ah laga leeyahay oo daaqada laga soo geliyey haddana weli lama oran karo waa kuwo ka madax banaan caqliga iyo jeebka, waxaadna moodaa in durbaba la bilaabay is kooxeysi oo qolo kasta oo ka mida saamigii xaqdarada ku dhisnaa ee 4.5-ka ay ku kala duwan yihiin musharaxii ay u dooran lahaayeen madaxweynaha rasmiga ee Somalia.
Ma moodaa baarlamaankan cusub inuu soo baleeyey baarlamaankii hore ee la kala diray oo qaar badan oo ka mida ay weli kuraastooda ku fadhiyaan. Waxyaabaha markiiba uu barlamaanka cusub kaga ekaanayo kii hore waxaa ka mida is qab qabsiga iyo khilaafka dhexdiisa iyo kala fikir duwanaanshaha aan ku dhisneyn dantood.
Arrinta ugu weyn ee beesha caalamka ay ka digeen ayaa ah in xildhibaanada baarlamaanka cusub aysan codadkooda iibsan, laakiin xaqiiqdaasi waa mid taala aqalka baarlamaanka ee xaruntii hore booliska Muqdishu.
Dhinaca kale hogaamiyo kooxeedyadii markii hore kuraasta ku helay dagaal oognimo ayaa weli dacwo ah oo doonaya in lagu celiyo boosaskooda, hase ahaatee taasi uma muuqato mid la marsiin karo guddiga awooda badan la siiyey xulista baarlamaanka cusub.
Hogaamiya-kooxeedyadan loo diiday baarlamaanka ayaa markan waxaa la yaab leh inay maciin ay ka helayaan madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Sharif Sheekh Axmed oo la ogaa markii hore sida ay isku ahaayeen.
Talow Sharif muxuu ugu doodayaa dagaal oogayaashii dalka ka lumiyey sanooyinka badan, mise Sharif waxa uu doonayaa haddii uu ku guuldareysto madaxtinimada dalka inuu isbaheysi la sameysto oo halgan kale oo cusub uu hadana soo galo.
Taasi waxay dad badan ula eg tahay inaysan dhici doonin oo aysan jiri doonin awr-kasci dambe maadaama hada aad mooda in shacabka Somalida badankood ay ka bisil yihiin sidii hore, laakiin laga yaabo in weli la heli karo shacab maskaxda qabiil uga qufulan yahay oo lagu adeegan karo.
Inkastoo dadka gorfeeya siyaasada geeska Afrika ay u badinayaan in mar kale uu soo laaban doono Sharif Sheekh Axmed hadana waxaa jira sababo kale oo shaki gelinaya in Sharif uusan soo noqon, waxaana arrimahaasi ka mida iyadoo maalmahii ugu dambeeyey ee awoodisa kursiga uu ku dhaqaaqay talaabooyin lala yaabay sida magacaabista degmooyin aan jirin iyo jeedinta hadalo mucaaradnimo ah.
Haddaba haddii ay dhacdo in Sharif Sheekh uu mar kale kursiga ku soo laabto, waxaa meesha ka baxaya hamigii dowlada Mareykanka ay horey ugu sheegtay in markan ay doonaayaan weji cusub oo siyaasad cusub la yimaada, waxaana markaa arrinku uu noqonayaa “Alla u ekiyaa kii hore”. Laakiin waxaa nasiib ah in xisaabtan uu jiri doono oo aysan dhicu doonin mar kale ku tagri-fal hanti qaran.
www.qubanaha.com
By Mohamed Abdi Farah
Utrecht, Nederland
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4403