|

Shariif Xasan :Aniga M/wayne Ma’ihi mana ka gaari karo go.aan kaligey arimaha bada Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheikh Aadan  oo ah Mudane ka tirsan Barlamaanka Wadanka Soomaaliya, oo maal mahaanba ku sugnaa Magaalada Nairobi sababaha uu halkaa ujoogana ay warar kala duwani ka soo baxayeen ayaa maanta markuu Muqdisho Dib ugu soo laabtay waxaa uu beeniyay in Kenya  uu kala hadlayay in dib loo soo cusbooneysiiyo heshiiskii dhinaca bada ee ay wadatay dowlada wadanka Kenya .

“Aniga M/wayne Ma.ihi mana ka gaari karo go.aan kaligey arimaha bada Soomalia waa mid aan suura gal ahayn hadal aad sheegeysaan marka waxba kama jiraan ayaan ku tilmaami lahaa hadal “ayuu yiri Shariif Xasan .

Mar uu ka hadlayay Sababta uu utagay Magaalada Nairobi oo uu si kadis ah ugu amba baxay maalmo ka hor waxaa uu sheegay in Sababta uu ugaaray halkaa ay tahay in uu dowlada Kenya kala soo hadlayay sidii loo dhameestiri lahaa waxyaabaha ka dhiman Qorshaha nabad Soomalia ee Road mabka iyo arimo kale oo isga u gaar ah sida uu hadalka udhigay .

Shariif Xasan ayaa waxaa magaalasda Muqdisho ka qaaday diyaarad ay leeyihiin Ciidamada  sirdoonka Kenya oo uu watay Taliye Ku xigeenka  nabad sugida Kenya waxaana warar soo baxayay ay sheegayeen in sababta uu halkaas u gaaray ay ahayd in laga dhaadhiciyo in codadka uu ku leeyahay Barlamaanka  uu ku wareejiyo Dr Gaas si marka uu Madax wayne Noqdo Cabdi wali Gaas ay Kenya u soo cusbooneysiido Heshiiskii bada …

www.qubanaha.com

 

 

 

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4392

Posted by on Sep 1 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented