Sharuudaha Musharaxa Madaxweynaha oo la shaciyey.
Gudiga doorashada M/waynaha Soomalia ayaa goor dhaw waxaa ay soo saareen shuruudaha looga baahan yahay musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada wadanka Soomalai .
Gudiga oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dood dheer oo ay yeesheen ka dib soo saareen shurudahaan soo socda .
1-In Musharaxa doonaya Xilka uu yahay Muslim
2-In uu yahay Soomali
3-in uusan ka yareyn 40 sano da.diisu
4-in uu leeyahay aqoon uuna waaya aragnimo dheerad ah u leeyahay xilka madaxtinimo.
5-in uusan dambi galin oo aysan Maxkamadi soo xukumin
6-in uu bixiyo 10.000 dolar {toban kun oo doolar }oo diiwaan galin ah .
Gudiga ayaa waxaa ay sheegeen in wararka kale sida in Musharaxa uu haysto marka hore Xildhibaano gaaraya 20 Mudane ay Go.aan ka gaari doonaan Baarlamaanka iyo Gudiga doorashada M/waynaha .
www.Qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4368