|

Madaxweyne Shariif oo si aan horey loo arak Muqdisho loogu soo dhaweyey (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo uu uga soo qeyb galay aaska R/wasaarihii hore ee dalkaasi Meles Sanaawi. Waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof.

Maxamed Cismaan Jawaari, guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, Taliyeyaasha ciidamada XDS iyo Booliska iyo in ka badan boqol xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka.

Dadweyne ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo ardayda dugsiyada ayaa isugu soo baxay inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada, ayagoo sita calanka dalka, hal ku dhigyo ay ku taageerayaan in madaxweynuhu uu mar labaad dalka hoggaamiyo iyo sawirrada madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha oo saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada ayaa sheegay in uu la kulmay R/wasaaraha Dalka Ethiopia Xeyle Maryam oo ay isku raaceen in xiriirka labada dowladood uu sii socdo, ayadoo la adkeynayo iskaashiga lagu nabadeeyo geeska Afrika.

“Waxaan is aragnay R/wasaaraha KMG ah markii horena ahaa R/wasaare ku xigeenka Ethiopia, waxan ka wada hadalnay marxaladda kala guurka ah ee ay galayaan iyo marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya halka ay mareyso, waxaana isla garanay in siyaasaddii hore ee lagu socday la sii xoojiyo” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in si guul ah ay ku dhammaato doorashada madaxweynaha dalka, si dalka waddanku uu u helo dowlad rasmi ah oo ka saarta dhibaatada muddada dheer ka jirtay, soona celisa sumcaddii daalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


 

 

 


Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4574

Posted by on Sep 3 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented