Madaxweyne shariif : toban kun oo doolar Sharuud in laga dhigo mafiicna.
Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho Shir Jaraaid u qabtay Saxaafadda .waxaana uu ka hadlay arimo badan oo ka mid yihiin Faah faahin uu ka bixiyay Kulan uu la soo qaatay Masuuliyiin ka mid ah dowlada Eithopia oo uu sheegay in ay ka wada hadleen hagaajinta Cilaaqaadka labada dalka.
Shariif ayaa waxaa uu ka hadlay shuruudaha ay ku xireen Musharixiinta Gudiga doorashada Madaxwaynahu waxaana uu soo dhaweeyay shuruudaha marka laga reebo lacagta 10.000 dolar ah { tobanka kun oo doolar ah } waxaa uu sheegay in lacagta ay badan tahay loona baahan yahay in wax laga fara galiyo shuruudaha kalena waxaa uu sheegay in ay yihiin kuwo loo qaateen ah.
Mar uu ka hadlayay sida uu doonayo in doorashada ay u dhacdo ayuu sheegay in uu dalbanayo in doorashadu u dhacdo qaab cadalad iyo dimuqraadiyad ah oo lagu kalsoonaa karo isagoo codsigaasna ujeediyay Gudiga doorashada Madaxwaynaha .
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4580