Mid ka Mid ah Xildhibaanada lagu muran sanyahay oo Maxkamad ku Taala Wadanka Ingiriiska Xabsi Dheer ku Xukuntay. “Sababta Aqri”
Mid ka Mid ah Xildhibaanada lagu muran sanyahay oo Maxkamad ku Taala Wadanka Ingiriiska Xabsi Dheer ku Xukuntay. “Sababta Aqri”Aadan Xaaji Xasan oo ah nin Ganacsade ah oo ku nool Wadanka Ingiriiska ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada aadka loogu muran sanyahay ee Guddiga Farsamada ay wataan oo ay lacag ka qaateeyn ayaa Maxkamad ku taal Wadanka Ingiriiska ku Xukuntay Xabsi Dheer.Ganacsade Aadan Xaaji Xasan iyo nin Ganacsi uu kala Dhaxeeyay ayaa muran soo kala dhex galay kadibna markii Lacag fara badan uu Ganacsade Aadan Xaaji lagu yeeshay waxaana muran dheer kadib ay sheekadu gaartay gacan ka hadal waxaana sidii lagu tooreyay Ganacsadihii kale Waxaana Maxkamad ku Taal Wadanka Ingriiska ay Xabsi Dheer u jartay Ganacsade Aadan Xaaji Xasan.
Ninkii lagu tooreeyay Wadanka Ingiriiska oo aan Si hoose ula xiriirnay ayaa waxuu wax lala yaabo ku tilmaamay markii uu arkay Magaca Shaqsigii tooreeyay oo la donaya in Xildhibaan lagu tilmaamo waxuu yiri.
“Waxaan la yaabanahay Guddiga Farsamada waxa ay ku doonayaan nin dimbiile ah oo aan ka bixi karin Wadanka Ingiriiska oo Xabsi dheer loo jaray sababta ay u doonayaan in ay Xildhibaan uga dhigaan”
“Hadaba Sababta waa iska cadahay waa laaluush uu baxshay Aadan Xaaji Xasan oo ah nin aniga i tooreeyay waana nin anan u qalmin Xildhibaanimo waana Gacan ku dhiigle Xabsi Daa’in ah sugaya” Ayuu si hoose inoogu sheegay.
Si kastaba ha ahaatee waxaa iska cad in Guddiga Farsamada ay doonayaan in ay meel mariyaan ragg fara badan oo ay lacago ka qaateyn oo ay doonayaan in ay Xildhibaan ka dhigaan waxaana ka mid ah Ragga Lacagta laga qaatay Aadan Xaaji Xasan oo haatan Maxkamad ku taalo Wadanka Ingiriiska Xabsi aan mudadiisa la cayimin waxaana wax la la yaabo ah Go’aankii Maxkamada Sare ka soo baxay oo aysan weli u hogaansamin Guddiga Farsamada ee soo xulayay Barlamaanka.
Qore AbdiAziiz Ahmed
Balcad Media Network
London Uk.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4586