Ronaldo: ku ma qanacsani jogitaanka Real Madrid .
Xidiga Caalamiga ee CR7 oo ka tirsan Kooxda Real Madrid ayaa maanta waxaa uu kulan la qaadanayaa Maamulka kooxda Real Madrid waxaana ay ka hadlayaan Arimo mad madow badan keenay.
Ronaldo ayaa Si cad oo aan leex leexad lahayn waxaa uu ku qeexay in Xiriir aan wanaagsan uu kala dhaxeeyo Shaqsiyaad katirsan Masuuliyiinta maamulka Real Madrid laga yaaba inuu yahaya Macalinka kooxda.
Ronaldo ayaa Xalay Dhaliyay Labo gool islamarkaan waxaa ay gaareen guushoodii ugu horaysay lakiin isaga kuma faraxsananayn oo waxaa uu sheegay inuusan midna ku farxin guusha iyo goosha uu isaga dhaliyay.
Warbaahinta oo wax kawaydiisay sababtaas ayaa waxaa uu hadalkiisa ku soo koobay waxaa jira Arimo shaqsiyadayda quseeya taasna waa ay ogyihiin Maamulka Real Madrid.
C.Ronaldo oo aad u caraysnaa ayaa sheegay inuusan dabaal dagi Karin marka uu murugaysanyahay,waxaa kale oo warbaahinta ay su’aashay inuu ka caraysanyahay iyo Inkale Abaalmarinta lasiiyay Iniesta ee laacibka Yurub,waxaana uu ku jawaabay taas ma qusayso.
Walaac badan ayay dhalisay Warka uu ku hadlay Ronaldo waxaana lagu wadaa in Real Madrid ay maslaxayso Wiikooda hogaamiyaha gooldhalinta u ah kooxda.
ww.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4555