|

Kenya : Waxaan duqeyn ku dilnay Dagaalyahano badan oo ka tirsan shabaab.

Col Cyrus Oguna oo ka tirsan saraakiisha warfaafinta iyo hawl galinta ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa  u sheegay wargeyska Daily Nation in duqeyntii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo iyo deegaano kale oo ka tirsan jubbooyinka inay ku dileen in ka badan 70 dagaalyahan oo Shabab ka tirsanaa.

Col Cyrus Oguna waxaa uu sheegay in duqeyn ay maraakiibta dagaalka Kenya ka geysteen magaalada Kismayo ay la beegsadeen goob ayh isku urursanayeen dagaalyaho Shabab ka tirsanaa waxaana uu xusay in duqeyntaasi ay ku gubeen ilaa iyo 4 gaari oo nooca dagaalka ah.

Sidoo kale sarkaalka tirsan qeybta hawlgalinta ciidamada Kenya waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in duqeymo ay diyaaradahoodu ka geysteen deegaanada Biibi iyo Janay C//la ayh ku dileen ku dhawaad 70 dagaalyahan oo ka  cararay buu yiri magaalada Miido sida uu yiri.

“Dagaalyahano ka cararay Miido ayaanu ku dilnay Biibi iyo Jannay C/lle dhimashadooduna waxay gaaraysaa ku dhawaad 70 ruux” ayuu yiri Col Cyrus Oguna oo ka tirsan ciidamada dawlada Kenya ee Soomaaliya ku sugan.

Diyaaradaha dowlada Kenya iyo Maraakiibteeda ayaa waxaa ay Dhowrkii Maalin Ee ugu dambeysay Duqeymo xoogan oo aan loo meel dayin ku garaacayeen Magaalooyin ay ka mid tahay Kismaayo oo dadka shacabka ah ay duqeyntaasna waxyeelooyin ka soo gaareen .

 www.qubanaha.com

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4607

Posted by on Sep 4 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented