Al-shabaab oo amar ku bixisay in dadka ku dhaqan jubooyinka ay ka qeybqataan dagaalada.
Wararka naga soo gaaraya Goboladda Jubooyinka ayaa sheegaya in ay Xarakada Al-Shabaab ku Amartay dadka ku dhaqan Goboladaasi aysan sameyn Karin wax Barakac ah.
Sida ay u sheegeen Idaacadda Kulmiye qaar ka tirsan dadka Deegaanka ah oo iska diiday Magacyadooda la soo xigta ayaa sheegay in ay Xarakada Al-Shabaab ugu hanjabtay in ay talaabo ka qaadi doonto Ciddii ay ku aragto in ay qorsheyneyso Barakac.
Dadkaani ayaa sheegay in ay aad ugu dhibanyihiin deegaanada Jubooyinka oo haatan ay ku socdaan duqeymo xoogan oo ay u geysanayaan Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Ciidamada AMISOM ee howlgalada ka wada dalka Soomaaliya.
Dhanka kale Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegayaa in ay ugu baaqday dadka ku dhaqan Jubooyinka in ay ka qeyb qaataan Dagaalada haatan lagu wado deegaanada Jubooyinka.
Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Jubooyinka ayaa haatan waxaa ay noqdeen dhariga labada dhinac ka Gubtay iyadoo ay dhinac kaga socoto duqeyn ka imaaneyso dhinacyo badan iyo Xarakada Al-Shabaab oo ku Amartay in aysan ka Baarakici Karin.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4707