Dagaalo Xogan oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.
Waxaa xalay dagaal culus oo qasaaro geystay gobalka Gedo ee Koofurta Soomaaliya uu ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo Xarakada Shabaab, kaddib markii dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Shabaab ay weerareen fariisamo ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Gobalkaasi.
Fariisinka ay ku sugnaayeeen ciidamada Dowladda ee xalay Shabaab weeraray ayaa waxaa uu ku yaalaa duleedka Magaalada garbahaaray ee xarunta Gobalka Gedo,waxaana dagaalka uu ahaa mid aad u culus, islamarkaana dhinacyada ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa ka duwan.
Dad deegaanka ayaa waxaa ay inoo sheegeen in dagaalka markii hore uu ku bilowdey duqeyn ay isku garaaceen labada dhinac ee dagaalka dhaxmaray,wallow markii danbe dagaalka uu isku badelay mid culus,hase ahaatee waxaa cabsi dagaalka xalay geliyay shacabka ku dhaqan garbahaaray.
” Dagaalka saqdii dhexe ee xalay illaa saakay ayuu socday, xaaladda way cakarin tahay, dad baa xalay ilaa saakay guryahooda kasoo bixin, cabsi ayay qabaan” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Sida la xaqiijinayo dagaalka ayaa waxaa ku dhintay hal ruux halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo sida la sheegayo Shabaab iyo Dowlada KMG ah,waxaana warar kale ay sheegayaan in Isbitaalka magaalada Garbahaaray la dhigay tiro dhaawacya ah oo soo gaaray dad rayid ah oo rasaasta guriyahooda uga tagtey.
Xaaladda ayaa saaka waxaa ay tahay goobtii lagu dagaalamay mid degan,waxaana ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya ee xalay weerarka lagu qaaday ay bilaabeen iney baaritaano ka bilaabaan nawaaxiga fariisamahoda ee xalay lasoo weeraray.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4692