|

Muqdisho oo dhageysiga raadyaasha ay dhib noqtay (cirbada meeshii lasaaraba midbaa ka daldalmaya)

Muqdisho ayaa noqotay goobta Idaacadaha FM-ta ugu badan ka furanyihiin marka la fiiriyo dunida, taasina waxay dadka qaar ku macneeyeen inay ka dambeyso iyadoo qof kasta uu doonayo inuu dhaqaale ka helo sidii uu doono ha u adeegsadee, waxaana haatan magaalada Muqdisho haatan ka furan 25-FM, kuwaas oo ay ka mid yihiin:- Radio Muqdisho, Radio SIMBA, Shabelle Radio, Danan Radio, Radio Maanta, Radio Mustaqbal, Radio Kulmiye, Radio VOD, Jubba Radio, Radio Banaadir, Radio Star FM, Radio Barkulan, Radio Sahan, Radio Goobjoog, Gool FM Radio,BBC FM Radio, VOA Radio, Radio Dayax, Radio Andulus, Radio Al-furqaan, Radio Risaala, Radio Codka Nabadda, Radio Dalsan, Radio Xurmo iyo kuwo kale oo aan halkan magacyadooda lagu soo koobi karin, waxaa meesha ka baxay Idasacado badan oo ay ka mid ahaayeen:- Horn Afric, Capital Voice, STN, Soomaali-weyn iyo GBC waa tiro aad u badan oo qofka uu garan waayo wax uu dhageysto oo hadaba dhinac u eryo cirbadda mar aan tagay Imaaraadka Carabta waxaa halkaas ku soo arkay in dalkaas oo dhan uu leeyahay hal FM waan dal dhinac waliba naga hormarsan, marka la fiiriyo dadka qaar baa aamisan in tirada Idaacadaha ee sii kordhaya ay tahay horumar, halka kuwa kale ay aaminsanyhiin inay yihiin kuwa dab ku sii shidaya xaaladda murugsan ee Soomaaliya, haddaba Idaacadahaas intooda badan markii la aasaasayey ayaa qolooyinka shirkadda ku ah marka ay la yimaadaan qalabka FM-ta waxay durbadiiba xoogga saaraan ama ka fikiraan sidii goobta ay Idaacadu ku taalo loogu heli lahaa ilaalo qaas ah, waxaana waqti iyo kharash la geliyaa ilaalada iyo hubka, waxaana la soo iibiyaa qoryo culus sida Dabamiishaarka, Baasuuke, AK-47, halkii laga fikiri lahaa Wariyaha oo si gaar ah muhiimadda loo siin lahaa, haddaba waxaa isweydiin mudan sababta ay Idaacad FM ah oo joogta dhowr kun oo doolar keliya inay ka muhiimsanaato wax soo saarkii ama xoogii shaqo ee Idaacadda {Taste Force} ee Idaacadda sida Agaasimayaasha, Wariyaasha iyo shaqaalaha kale, Soomaalida waxay tiraahdaa {Lax waliba Shilalkey is dhigtaa lagu qalaa}.

Marka la furayo Idaacad FM ah waxaa durbadiiba ku soo yaaca dhallinyaro fara badan, waxaa marka ugu horeysa loo sheegaa in inta ay Idaacadda laga baranayo aan wax dhaqaale ah la siin doonin, qaarkood markiiba taas way ka gilgilshaan waa kuwa damiirka leh, kuwana way ogolaadaan, marka la fiiryo sharciga shaqada iyo shaqaalaha, qofka loo shaqeeya ah waxaa ku waajibeysa inuu ka war qabo shaqaalaha u shaqeynaya nafsadooda, caafimaadkooda, mushaarkooda iyo in marka dhibaato la soo gudbaanaato la caawiyo, balse intaas oo dhan meesha way ka baxeen oo wariyaasha qaarkood ayaa milkiilaha u sheega inaysan wax lacag ah dooneyn balse ay doonayaan magac taasina waxaa si weyn ugu guuxa ninka milkiilaha ah, waayo waxa uu helay shaqaale jaban, waagii fufka ee qarnigii warshadaha, milkiilayaashii Warshadaha waxay xilligaasi heleen shaqaale aad u jaban oon aan laheyn wax daryeel ah iyagoo ka faaiideysanayey duruufta xilligaas jirtay,sidaas oo kale maanta ayey taagan tahay xilligii fufka oo kale, waayo milkiilayaasha FM-yada waxay heleen dhallinyaro raqiis ah, marka milkiilayaasha waxay ka faa’iideysteen duruufta dhallinyarada Soomaaliyeed oo aan wax shaqo ah heysan xilligan balse doonaya inay noqdaan kuwa ka dhex muuqda bulshada.

Waxaa iigu yaab badnaa markii aan wiil dhallinyaro ah oo wariye ahaa aan waydiiyey su’aal aheyd  maxaad shaqada uga tagtay ayaa waxa uu iigu jawaabay “Nafsadeyda ayaa halis la geliyey?”, waxaan weydiiyay sida nafsaddiisa halista loo geliyay, wuxuu igu yiri “Xog ayaan keenay, waxaana laga sii daayey Idaacadda, qolo warbixintaas dhibsatay ayaa soo wacday milkiilihii Idaacadda, wuxuuna milkiilihii si aan gambasho laheyn qoladii ugu sheegay in xogtaasi aan anigu keenay uusanna isagu mas’uul ka aheyn”, haddaba marka sharciga saxaafadda la fiiriyo waa macnuuc in wariye xog idaacadda u keenay in isaga lagu gooni yeelo xogtaasi wixii ka yimaada, sharciga saxaafadda ayaa dhigaya tusaale ahaan qof ayaa war ka heshay, qofku wuxuu kaa codsaday in magiciisa aadan sheegin, warka noocaasi ah haddii lagu qabsado oo Maxkmad lagugu soo taago, ma sheegi kartid qofkii aad warka ka heshay xittaa haddii laguu tooganayo, waxaana hadda muuqata in Soomaaliya aysan ka shaqeyn wax sharci saxaafadeed ah, maalin dhaweyd waxaa isoo wacay dhageyste ka cabanaya idaacad ka mid ah FM-ta Muqdisho ku yaala, wuxuu yiri ninkaasi “Waxaan kala socday Idaacaddaas Tafsiirka Qur’aanka Kariimka, balse waqtigii tafsiirka la soo deyn jiray laga jeclaystay in la soo daayo ciyaar kubbadda cagta ah oo si toos ah loo tabinayo, iyadoo Idaacadaha shisheeye ee FM-yada ku leh Muqdisho oo ciyaarta wax ka tabinayey ay barnaamijyadooda kale ku wareegeen markii waqtigooda la gaaray, haddaba FM-taas yey raaligelisay, tani waxay ka mid tahay qalaadaadka ay galaan FM-yada magaalada Muqdisho oo inta badan dadku ka cabtaan.

Maalmahan dambe Idaacadaha qaar waxay sii daayaan warar aan xaqiiq aheyn oo runta ka fog,  dhawaan ayey aheyd markii Wargeyskii ugu weynaa ee ka soo bixi jiray dalka Ingiriiska albaabda la isugu dhuftay hadaba muxuu sababsaday Wargeyskaasi?, wuxcuu sababsaday war uu si qalad ah u baahiyey, marka Soomaaliya waxaa xaqiiqo ah in FM-yada ku shaqeyn Alla ka cabsi iyo sharci Saxaafadeed toona, Soomaalida waxay tiraah {Hadal aan fiirsi loo oran iyo Caano aan fiiqsi loo dhamin feeraheey waxyeeleeyaan}, marka waxaa leeyahay dhammaan wariyayaasha Soomaaliyeed inay raacaan oraahdaasi oo ah mid qiimo weyn ku fadhida,tirada Idaacadahaasi ee FM-ta markaad dhageysato kuligood waa isku barnaamijyo xittaa habeenkii marka la gaaro 9:30 fiidnimo waxaa soo gala barnaamij looga faaloodo wararka 24-ka saac, waxaan waqtigan aan ugu magacdaray waqtiga fadhi ku dirirka FM-yada Muqdisho illaa iyo hadda ma jiraan Idaacad ka wareegtay waqtigaasi, iyadoo qaarkood ay noo sheegeen inay ku qasbanaadeen in waqtigaasi ay baahiyaan barnaamijkaasi waxayna wararkan u badanyihiin kuwo siyaasadeed oo colaad sii hurinaya, ma jiraan kuwa ka hadlaya wararka horumarka waxaa iigu yaabka badneyd markii qolo Indhoolayaal ah oo sameysanayey xaflad sanad guuro ah ay tageen mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho markii ay maamulkii u bandhigeen inay ka soo qeybgalaan xafladdooda ayaa waxaa lagu yiri “Waa inaad bxisaan lacag gaareysa 500$ {Shan boqol oo Doolar} inta yaabeen ayey ku yiraahdeen “Xafladaba taburacaad baan ku soo aruurinay “Mid ka mid ah Indhoolayaashii ayaa ku yiri Maamulkii Idaacadda “Waxaa sii deysaan war aydan wax dhaqaale ah ku qaadan oo ah wararka colaadaha marka keena muxuu kaga duwanyahay wararkaasi, keenaaba horumar ka hadlaya gaar ahaan sida ay wax u bartaan Indhoolyaasha “Meeshii ayey isaga soo tageen markii la hordhigay inay bixiyaan dhaqaalahaasi “Waxaa ii soo baxay in Idaacadaha ay u abuurmeen inay baansiin ku shubaan xaaladda murugsan ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii maqaalkan aan ugu magacdaray FM-ta iyo Wariyaha yaa muhiimsan, waxaana ku keenay markii aan arkay sida loola dhaqmayo Wariyaasha da’da yar ee Soomaaliyeed oo aan ku tilmaami karo sida xaabada dabka lagu shidayo, waxaana leyska dhigaa oo derbi u noqdeen qatarta jirta, iyadoo loogu abaal gudo in marwalba oo uu soo galo xarunta Idaacadda isaga laga shaki qabo oo baaritaan lagu sameynayo, waxaana muhiimadda la siiyey ilaalinta FM-ta oo keliya, balse xil leys kama saarin wax soo saarkii Idaacadda sida wariyaasha, waxaana maalin walba maqleysaa hebel waa la dilay iyo ka gudub marka labo maalmood tacsi loo dhigo qaarkoodna maba helaan tacsi. markaad fiiriso Idaacadaha caalamka ama warbaahinta caalamka waxaa xoogga la saaray wariyaha wuxuuna warbaahinta ay u shaqeeyaan ku yeelanayaan xuquuq farabadan haddii wax la gaarsiiyo xtitaa looma diro goobaha ay halis ku galayaan, halka Soomaaliya xuquuq oo dhan uu leeyahay milkiilaha, haddaba dhallinyarada saxafiyiinta ah waxaa dhihi lahaa xaggee idinka maray dareenkii sidee ku ogolaateen in war aad qatar ku galeysid aad ka sii deyso meel aan lagaa difaaci doonin, waxaa markale idin leeyhay oraahdii aheyd {hadal aan garasho laheyn iyo garow aan iidaan laheyn labaduba nafsadaadeey waxyeeleeyaan}.

Waxaa Qoray:- Amiin Yuusuf Khasaaro 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4687

Posted by on Sep 5 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented