Muxuu baarlmaanka cusub ee Somalia kaga duwan yahay kii hore?
Baarlamaankii soomaaliya ee waqtigiisu dhaamaaday ayaaa ahaa mid ku
sifoobay muran iyo isqabqabsi aan dhamaad lahayn iyo iskooxaysi ku
salaysan dano shaqsi.
Haddaba ,waxaan warbixinta soo socota ku eegaynaa farqigau dhexeeya
baarlamaanka cusub ee Somalia iyo midkii waqtigiisu dhamaaday..
Farqiyada kala duwan ee muuqda waxaa ugu horeeya dhanka tirada iyadoo
baarlamaankii waqtigiisu dhaamaaday uu ahaa 550 halka baarlamaanka
cusub uu yahay 275 xildhibaan.
Waxaa sidoo kale ka mid ah farqiyada la dareemi karo ee baarlamaanka
Somalia inuu yahay mid uu hogaaminaayo gudoomiye aqoon ahaan iyo
qibrad ahaanba ka sareeya afhayeenkii hore ee baarlamaankii ku
meelgaarka ahaa inkastoo siyaasad ahaan iyo waxqabadkiisaba aan hadda
la saadaalin karin.
Marka laga hadlaayo dhanka aqoonta guud ahaan ee baarlamaankii hore
celcelis ahaan waxaa lagu qiyaasay waxbarashadood fasalka shanaad ee
dugsiga hoose dhexe laakiin baarlmaanka hadda ayaa waxaa ku jira tiro
aqoonyahanno ah oo ka badan baarlmaankii hore sida uu sheegay prof.
Cabdulaahi Xiirey oo ah la gudoomiyaha gudiga farsamada ee soo xulista
xildhibaanada Somalia.
Xildhibaanadii hore ee Somalia ayaa waxaa la dhihi karaa inay ahaayeen
kuwo quburo ku ah sida loo keeno mooshino loona dhaliyo murano
siyaasadeed oo inta badan ku salaysan danahooda shaqsiga ah.
Waxaa sidoo kale ka mid ahaa waxyaabaha uu caanka ku ahaa
baarlamaankii hore ee Somalia in mar waliba uu jiray isqabqabsi u
dhexeeyay madaxda baarlamaanka iyo madaxda kale ee dowladda iyadoo
aysan kala cadayn mid waliba shaqada uu leeyahay.
Sidaas oo kale waxaa ka mid ah farqiyada cusub ee muuqda in
baarlamaanka cusub lagu doortay gudaha dalka Somalia.
Waxaan xasuusanaa in gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Somalia uu ka
dalbaday ra’iisal wasaarihii hore ee Somalia ,Maxamed Cabdulaahi
Farmaajo inuu kala tashado magaacaabista golaha wasiirada arrintaasi
oo ah waajibaadka ra’iisal wasaaraha..
Haddii aan ka eegno dhanka wanaagga go’aanka kaliya ee aan la dhacay
ay qaateen baarlamaankii hore ee Somalia waxaan ku tilmaami karnaa kii
ay ka qaateen muran dhanka soohdima badda Kenya iyo somalia kaas oo
lagu laalay dhamaan wixii heshiis badeed ahaa ee la gaaray wixii ka
danbeeyay 1991-dii.
Xildhibaanada cusub ee Somalia ayaad moodaa inay manta haystaan fursad
ay wax kaga badali karaan wadada uu qaadayo dalka Somalia iyadoo ay
gacantooda ku jirto doorashada madaxweynaha cusub ee somalia inkastoo
aan la ogayn inay u hiilin doonaan shacabka Somalia oo ay dooran
doonaan madaxweyne wax qaban kara iyo in kale.
Waxaan sidoo kale la ogayn in codka xildhibaanada uu xaraash noqon
doono oo ay siin doonaan hadba musharaxa ugu jeeb buuran iyo in
go’aanadoodu ay noqon doonaan kuwo ku salaysan damiir wadaniyadeed iyo
hiilo qaran.
Si ka duwan caalamka intiisa kale, shacabka soomaaliyeed ma haystaan
fursad ay ku dooran karaan madaxdooda ,waa arrin uurkutaalo ah laakiin
maalin noqon doonta taariikh.
Inkastoo xalinta dhibaatada Somalia ay tahay mid aan sahlanayn., ayaa
hadana madaxdii ugu danbaysay ee dalka waxaa ay ahaayeen kuwo ku
bixiyay qarash iyo waqti badan safaro aan laga maarmaan ahayn iyo
muran dhexdooda ah.
Inkastoo ay dad badani ku hanweyn yihiin marxaladda cusub ee Somalia ,
ayaan hadana la saadaalin karin in madaxda cusub ay noqon doonaan kuwo
ka hufan kuwii hore iyo in kale.
Sheikh Shariif Sheikh Axmed ,sii haya xilka madaxweynaha Somalia,ayaa
la weydiiyay dhawaan waxa dowladda dhalan doonta ee soomaaliya ay kaga
duwanaan doonto dowladdii ku meelgaarka ahayd.
Wuxuu ku jawaabay: dowladda cusub waxay heli doontaa fursado aysan
haysan dowladdii ku meelgaarka ahayd sida dhulka ay dowladda cusub ay
maamuli doonto oo ka balaaran kii hore.iyo in ku meelgaarnimada ay
ahayd caqabad haysata soomaaliya..
Ha yeeshee, maskada shacabka ayaa waxaa ka guuxaya su’aal ah: dowladda
cusubi tii hore ma ka duwanaan doontaa? Waa hagaag,aan wada sugno!!!
www.qubanaha@.com
Abdiaziz Mohamed Dirie
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4698