|

SIFAADKA SOWJADA SAALIXADA AH AMA TILMAAMAHA XAASKA WANAAGSAN.( By Nasro Degan )

Inta aanan ugudbin tilmaamaha xaaska wanaagsan ayaa waxaynu wax ka eegeynaa sidii dumarkii hore marka ay guursadaan ula dhaqmi jireen ragooda $ sida dumarka qaar ay manta ula dhaqmaan ragooda.

Dumarkii hore waxay ahaayeen markii la guursado kuwo ka dambeeya ragooda aadna u ixtiraama, waxayna ogaayeen marka ay inantu guursato in ay galeyso nolol cusub oo aad uga duwan tii hore loogana baahanyahay mas,uuliyad $ in ay wax badan kabedesho noloshii ay kunooleed inta aanay guursan , Taana waxa ay tusinaysaa dad badan ama calaamad utahay in gabadhu tahay mid laqabo Laakiin dumarka qaar maanta waxaad moodaa ineysan waxba kafahansaneyn farqiga udhaxeeya gabadha laqabo $ tan madaxa banana ee aan wali laguursan, Waxaad arkeysaa gabar laqabo oo ninkeeda kula dhaqmeysa waxyaabo aan wanaagsaneyn , taa waxaa kadaran gabar laqabo oo waxaad arkeysaa markii ninkeeda safar aado lahaasaaweysa rag kale iyadoo ka xishooneysa waa la iqabaa ,Soomaaliduna waxay tiraahdaa DERISKAAGU WAA ILAALO AAN LAGUU DIRIN, waxaana dhacaysa in uu arintaan ogaado sowjkaada, taana waxay keeneysaa furiin $ burbur qoys . Ragii kale oo ay lahaasaawi jirtay markii ay maqlaan arintaan $ sida ay uga qarisay in la qabay waxay cuskanayaan maahmaahda oraneysa SIR NAAGEED LAGAMA SAL GAARO .

Halkaasna gabadhii waxaa ugu bilaabata murug tii ugu darneyd ee abid soo marta $ shalaay aan wax kaqabasho lahayn. Hadaba si aad uga badbaadid waxyaabahaan una noqotid xaas dhowrsan oo aad u wanaagsan raac qodobadaan hoos ku xusan oo muujinaya astaanta lagu yaqaan xaaska wanaagsan ama sifaadka sowjada saalixada ah .

1)Waxaa lagu yaqaan sowjada wanaagsan inay tahay qof had iyo jeer adeecda ilaaheed oo haddana saalixad ah .

2) Waxaa lagu yaqaan inay tahay tii xafidda maalka ninkeeda $ jirkeeda marka uu maqanyahay.

3) Waa midda uu farxo ninkeedu hadii uu fiiriyo, haddii uu amrana waa tii adeecda .

4) Waa tii laasinta gurigeeda oo aan ka kabixin amarka ninkeeda la,aantiis.

5) Waa midda had iyo jeer ku salaanta ninkeeda waji faraxsan $ dhoolacaddayn .

6) Waatan marwakba alle uga mahad celisa ninkeeda maadaama uu yahay kii reerka ushaqaynayay.

7) Marka ay wax waydiisaneyso waa tii doorata waqtiga ugu haboon iyo hadalka wanaagsan.

8) waxay astaan uleedahay dabeecad badan.

9) Waatan aan gurigeeda kabixin iyadoo dharkeedu yahay kuwo laga arkayo cowradeeda.

10) Ma aha mid ninkeeda kuqaylisa marka ay wada hadlayaan.

11) Waxay kuwaanissaa ninkeeda inuu xariiriyo waalidkiis, walaalihiis , rixikiisa $ saaxiibbadiis .

12) Waa midda khayrka falid badan, kuna dadaasha faafintiisa.

13) Waa tan runta dhar kadhigata , kana fogaata beenta .

14) Waa midda ku barbaarisa carruurteeda jacayka ilaahay $ rasuulkiisa ,kuna saacidin carruurta wax uusan ninkeeda raali ka ahayn oo xomaan ah , sidoo kale waa tii barta ixtiraamka aabahood .

15) Waa midda aan caro badnayn, haddana aqoon laab-lakaca .

16) waxay aad uga fogtahay kibirka , is-cajabinta iyo isla weeynanka.

17) waa tii had iyo jeer ka laabta indhaheeda aragga xumaanta , hadday gurigeeda xaajo darteed uga baxdo.

18) Waa tan aan kujeesjeesin dariskeeda iyo dadka isla markaana aan xaqirin umadda .

19) Waa tan aan jeclayn dhaldhalaalka aduunka isla markaasna aan iloobin jannada ilaahay .

20) Waa midda had iyo jeer rabbigeed talo saarata , hadii wax ka xumaadaanna aan quusan .

21) Waa mid si dhammaystiran ugudata cibaadada alle kufaral yeelay .

22) Waatan si buuxda u og in ninkeeda yahay sayidka gurigiisa, isaguna uu yahay kan maamula .

23) waa midda ka xusta rabigeed ( carrabka iyo qalbigaba) , had $ jeerna aan iloobin.

24) Waa midda had iyo jeer sheegsheegin wixii ay ilaahay dartiis u qabatay oo wanaag ah.

25) Waa tii qirata dambigeeda haddii uu khalad kadhacana weydiisata cafis ninkeeda.

26) Waa tii aan soomin soon sunne ah, ninkeeda oo raali ka ah mooyee .

27) waa midda aan isu ekaysiin ragga , xagga hadalka, socodka $ dharxirashada .

28) Waa midda aan dhaleecayn ninkeeda , isla markaana kudhibin wax uusan awoodin.

29) Waa midda mar walba ogsoon weeynanka xaqa ninkeeda , kuna raali galisa ninkeeda wixii aan macsi ahayn oo dhan.

30) Waa midda qarisa quruxdeeda $ jirkeeda ninkeeda mooyee .

31) Waa tan lagu yaqaan xishood badan iyo asturnaan .

32) Waa midda aan soo gelin gurigeeda qof uusan ninkeeda raali ka ahayn.

33) Ma-diido ninkeeda, haddii uu ugu yeero sariirtiisa .

34) Waatan ninkeedu uu layaabo quruxdeeda muuqata xagga ( naddaafada $ labiska) $ tan qarsoon xagga ( diinta $ taqwada ) .

35) Waxay kaloo caan kutahay ma aha tii fidisa sirta ninkeeda $ gurigeeda .

36) Waa midda aan ku kalifin ninkeeda wax uusan awoodi Karin oo aduun ah.

37) Ma aha mid hub kadhigata , quruxdeeda, yaraanteeda ama maalkeeda.

38) Waa tii had iyo goor ka shukri naqda wax walba oo ay hesho , haba ahaadeen wax yar .

39) Waa midda aan kadalbin furiin joogta ah , ninkeeda sabab la,aan .

40)Waxay ninkeeda umuujisaa kal-gacal $ jacayl dhan walba ah, waxayna si xiiso leh u dhagaysataa marka uu hadlayo.

41) Waa midda ku- taageerta ninkeeda wixii khayr ah oo uu falayo , lana garabtaagan waanooyinka wanaagsan $ dhiira gelinta suuban.

W/D Nasro Degan

www.Qubanaha.com

qubanaha@yahoo.com

 

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4859

Posted by on Sep 6 2012. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented