Ciyaartooydii iyo wufuudii la socotey ee nooga qayb gashay London 2012 oo is dhiibey
War xaqiiq ah oo sspamedia ay soo gaarsiiyeen ilo wargal ayaa sheegaya inay is dhiibeen labadii ciyaartooy iyo xubnihii la socdey ee dalka Soomaaliya uga qayb galey cayaaraha Olambikada London 2012.
Waxaana la sheegayaa inay is wada dhiibeen dhamaantood, qaarkoodna loo gudbiyay magaalada Leeds, qaar kalane weli London ku sugan yihiin oo ay socoto dacwadihii ay gudbisteen.
Tirada is dhiibtey ayaa lagu sheegayaa 14 qof oo laga keenay dalka Soomaaliya, balse waxaan aragney ku aragney goobaha cayaaraha ilaa 10 qof.
GOS waxay ku fashilmeen inay fagaarayaasha caalamiga keenaan ciyaartooy tayo leh oo matali karta calanka dalka Soomaaliya, laga soo bilaabo 2000. 2004.2008 iyo 2012 ciyaartooydii ay keeneen oo dhan waxay ahaayeen kuwo aan diyaarsaneyn islamarkaana tayo ay ku ordaana aysan laheyn, halka ciyaaryahano badan oo ka wanaagsanaa looga soo tagey dalka Soomaaliya, halka kuwa ku nool Yurub iyo Waqooyiga Ameerika laga hor istaagey inay dalkooda matalaan,madaama ay kari kareen inay kaalimo wanaagsan ka galaan tartamada caalamiga ah.
Warar kale ayaa sheegaya in Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Ina Jirde oo isna qofkii la socdey uu iska dhiibey magaalada London, halka Wasiir Dowlihii isboortiga Prof Cabdullahi Qaloocoow saacadihii ugu dambeeyay laga reebay liiska wafdigii uu hogaamin lahaa,kadib markii si hoose GOS & Wasiirka ay iskugu afgarteen in booska Dowlada ee wafdiga hogaaminaayo uu buuxiyo Wasiirka JIRDE, si uusan u ogaan qorshaha GOS ka laheyd dadka lagu kaxeynaayo isxambaarka.
Dad badan oo isboortiga u dhuun daloola ayaa is weydiinaya sababta ay markasto GOS iyo XSCF aysan uga xishooneynin bahdilaada lagu sameeyo ciyaartooyda ay garoomada caalamka ku keenaan magaca dalka Soomaaliya, waxaa xusid mudan in 2016 iyo Rio in wax badan la iska weydiiyo qaabka ay uga soo gali doonaan dalka Soomaaliya?.
Anaga waxaan ka soo horjeednaa in isxambaar lagu keeno dad magaca dalka Soomaaliya inay matalaan loo keenay meel caalamka oo dhan ay ku soo bandhigayaan awoodooda isboorti, hadii GOS & XSCF ay xataa is xambaar ku soo dhex darayaan labada ciyaartooy ay ku baryo tagaan 4 sano kasto, waxaa mudan in la weydiiyo maxaa u diidey inay ku soo dhexdaraan ciyaartooydii Qaranka dalka Soomaaliya magaca iyo sharafta kulahaa ee ku dhibaateysan gudaha iyo dariska dalka Soomaaliya, sida Ciyaaryahanada Mulki Nuur Muudey, Cambar Qamiis, Senigal,Cabeey iyo Sharkeey iwm ah, mise dadka aan hubeysneyn dadkooda Soomaali ma ahan miyaa? xuquuqna kuma laha miyaa isboortiga Soomaaliyeed?.
Isboortiga Soomaaliyeed waa in isbadal degdeg ah Dowlada Soomaaliya ay ku sameysaa si looga baxo ku daneysiga iyo dib u dhaca ku yimid, doorashada soo socoto waxaa muhiim ah in Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada iyo Hay’adaha isboortiga ee caalamka sida IOC ay isla meel dhigaan qaabka uu noqon doono isboortiga Soomaaliya laga bilaabo 2013 insha Allah.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4873