Halyey Isboorti Xaaji Cabdi Cilmi Warsame oo ku Geeriyooday Malaysia.
MUQDISHO: Alle ha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii GOS halyeyga Isboorti Xaaji Cabdi Cilmi Warsame ayaa ku geeriyooday Kuala Lumpur dalka Malaysia maalinimadii Khamiista oo uu muddooyinkan ku xanuunsanayay sida uu saxaafadda u shaaciyay wiilkiisa Xamza X. Cabdi.
Marxuumka Xaaji Cabdi Cilmi Warsame ayaa kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta Isboortiga isagoo soo maray marxaladaha Ciyaartoy, Garsoore iyo maamul sare ee Isboortiga Soomaaliyeed. Waxaana lagu xasuustaa qeybtii uu ka qaatay buburka dalka ku dhacay ka dib ishdexgalkii bulshada iyo dib u soo nooleynta ciyaaraha dalka wuxuu ahaa halyey qeyb weyn ka qaatay burburintii khadka cagaaran ee Muqdisho loo kala qeybiyay.
Guud ahaan bahda Isboortiga ayaa waxaa ay muujiyeen sida ay uga xun yahiin geerida Halyey Xaaji Cabdi , waxaana Alle uga baryayaan inuu Naxariistii Janno Alle ka Waraabiyo.
TAARIIKHDA XAAJI CABDI
Xaaji Cabdi Cilmi Warsame (Adeer Cabdi) wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadku markuu ahaa 1943kii wuxuuna ku barbaaaray Muqdisho.
Tacliinta dugsiyada hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho. Adeer Cabdi wuxuu yaraantiisa jeclaa kubadda cagta wuxuuna ku soo biiray sannadka markuu ahaa 1960kii , Wuxuuna u saftay kooxda Ansalooti ee qaybta (B) wuxuu ku soo baxay ciyaaryahan wanaagsan , Wuxuuna u talaabay kooxaha waa weyn (A) isagoo u saftay naadiga LLPP Xaaji Cabdi wuxuu naadiga LLPP uga soo hoyay koobab farabadan oo Naadiga hantay.
Xaaji Cabdi waxaa loo magacaabay xulka Qaranka dalka Soomaaliya wuxuuna ka qeybgalay ciyaaro caalami ah oo uu ku soo kala ciyaaray dalalka : Indonisia, Itoobiya, Ugandha,Tansaaniya iyo Shiinaha Dadka, wuxuuna ka soo baxay kaalintii loo xilsaaray.
Xaaji Cabdi ciyaarta kubadda ka fariistay sannadku markuu ahaa 1972kii wuxuuna u talaabay dhinaca garsooridda. Wuxuuna ka qeybgalay Tababar Garsoore oo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortigu soo qaban qaabisay wuxuuna hantay shahaadada Heerka 1aad,2aad iyo 3aad, wuxuuna ku biiray garsoorayaasha waa weyn ee dalka Soomaliya.
BAHDA ISBOORTIGA OO TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAAYA EHELADA MARXUUM XAAJI CABDI :
Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed
Duraan Axmed Faarax
Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Guddiga Olambikada Soomaaliyeed
Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman)
Xoghayaha GOS C/llaahi Axmed Tarabi
Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Ibraahim Xuseen Cali (Roombo)
Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xasan Xuurshe (Eenoow)
Guddoomiyaha XSKC Cali Saciid Guuleed
Guddoomiyaha XSKL Prof Maxamed Cali Caddoow
Guddoomiyaha Teakwondo Aweys Abanuur Abati (Orafeeyo)
Guddoomiyaha Feerka Xaaji Axmed Maxamed Coloow
GX.K.K Maxamed Xaaji Cali
GX.K.K Cali Xasan Cali
GX.K.K C/Casiis Goodax
GX.CF Khadiija Aadan Daahir
Xogahayaaha XSKK Saciid Ducaale
Xogahayaaha XSKC C/qani Saciid Carab
Xogahayaaha XSCF Faarax Cali Macalin
Xildhibaan G/D/X/ Cumar Aweys Nuur (Dacas)
Guddoomiyaha NSGSC C/qani C/llaahi (Jeenyo)
——————————————————————
1)Islaw Maxamed Malaq
2)Dr.Cali Cusmaan Cali
3)Macalin Ibraahim Suudaani
4)Macalin Maxamed Xaaji Giftin
5)Dr. Yaasiin Abukar Carif
6)Dr.Yusuf Maxamuud Shaqaaq
7)Cabdikariim Walaayo (Cantar Jeenyo)
8)Cumar Ganjab
9)Mukhtar Cuti
10)Aweys Muuse Arbow (Aweys Fundi)
11)Ibrahim Shaash (Kabtan Shaash)
12)Cabdulahi Nuur Kolombo
13)Danjire Cabdiraxman Dinaari
14)Cusmaan Maxamud (Cusman Xalane)
15)Maxamed Mukhtar Sheekh
16)Cabdicasiis Axmed Mahdi
17)Maxamed Xasan Qolof
18)Amin Camir Maxamed
19)Cumar Axmed Jaamac
20)Cabdulqaadir Xasan Cadde (Caydiid Jeenyo)
21)Cabdulahi Warsame Jegaxiir
22)Inj. Cumar Abukar Shekhey
23)Cabdicasiis Giftin
24)Cbadirisaaq Giftin
25)Abukar Shiino
26)Cabdi Warsame Isaaq
27)Maxamed Xirsi Indhacaad
28)Ismaaciil Sangue
29)Abukar Maxamed Mursal
30)Adan Cabdi Maxamed (Qardhaas)
31)Al Fanaan Dauud Shekh Cali
32)Axmed Muuse
Dhamaan Guddoomiyeyaasha iyo madaxda xiriirada kala duwan ee heer Qaran iyo ururada isboortiga, dhamaan guddoomiyeyaasha Olombikada Gobolada dalka iyo kuwa degmooyinka gobolka Banaadir, dhamaan Garsooreyaasha, Ciyaartoyda ,Tababareyaasha iyo taageerayaasha ciyaaraha, saxaafadda iyo dhamaan bahweynta ciyaaraha Soomaaliyeed waxayna Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ehelada iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha ha u naxariistee Xaaji Cabdi Cilmi Warsame oo ku geeriyootay dalka Malaysia waxayna illaah uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo eheladii iyo qarabaadii uu ka geeriyoodayna samir Iimaan Eebbe ka siiyo .
Aamiin.. Aamiin.. Aamiin.
Isboorti.com Managing Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone: +2526-1-5520008/ +14434409441
Email:buuna@isboorti.com
Website:www.isboorti.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=4972