|

Xaflad lagu taageraayey Magacaabista Dowlada ee gobolada iyo Balamanka Cusb oo ka dhacaday Cape Town Koonfur Africa.

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu taageerayey magacaabista degmooyinka Cusub ee Dowlada KMG Soomaaliya iyo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa. Iyadoo xafladaasi ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Cape Town.

Xafladani ayaa waxaa soo agaasimay ganacsatada Soomaalida K/africa kuwooda kasoo jeeda degaanka Ceel Bacad oo ku faraxsanaa wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha taasi oo degmo rasmi ah loogu magacaabay degmada Ceel bacad.

Xafladani oo ay soo buux dhaafiyeen boqolaal qof ayaa qudbado kala duwan oo ku saabsan taariikhda degmada Ceel bacad ka jeediyey masuuliyintii kasoo qeyb gashay xaflada iyagoo aad ugu mahad celiyey DKMG Soomaaliya oo isbadalo waa weyn oo hormareed ka sameynaysa guud ahaan dalka Soomaaliya.

Yaasiin Cali Calasow oo ka mid ahaa qaban qaabiyaashii xaflada ayaa u mahad celiyey dhamaan dadkii kasoo qeyb galay xaflada isagoo aad ugu dheraday taariikhda degmada Ceel bacad oo ku sheegay in ay tahay degmo facweyn oo isku xirta degmooyinka gobolka sidoo kale waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha dhalinyarada Somaalida Cape Town C/laahi Nuur Gacal ayaa tilmaamay hormarada Dowlada Soomaaliya iyo sida ay ugu baxday Kumeel gaarnimada in ay kow ka tahay hormarka la taaban karo ee caasimada Soomaaliya iyo sida ay ugu warqabto shacabkooda.

Sdioo kale waxaa madasha xaflada ka hadlay Xasan Deelaal oo ka mid ahaa madaxda jaaliyada Soomaalida Gobolka Western Cape wuxuuna sheegay in magacaabista degmadani ay kal hore magacaawneyd balse uu ku dhawaaqey dowlada uu garwadeenka ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo amaan badan usoo jeediyey.

Si kastaba ha ahaatee masuuliyiintii ka hadashay madasha xaflada ayaa hadalo isku mid ah oo dhiira gelin ah ka jeediyey iyadoo kasoo qeyb galayasha aysan marna ka daalin hoorinta sacabka iska daba dhacaya daqiiqad kasta.

Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)

Deeqdarajo36@hotmail.com

Cape Town, South Africa.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5014

Posted by on Sep 8 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented