Faragelinta Sheekh Shariif iyo Jawaari oo lumiyey kalsoonida shacabka gudaha iyo dibada.
Somculned.nl: Axad septembar 9 2012 [JSN]: Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helayno Muqdisho ayaa sheegay in ay kulan yeesheen Sheekh Shariif oo uu waqtigiisii dhamaaday iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari shir gaar ah oo isaga iyo Shariif ku yeesheen ay keenaysaa shaki iyo walaac laga qabo waxqabadkiisa iy daacadnimada maadaama uu yahay Shariif Xasan Axmed nin u taagan jagada madaxweynanimada Soomaaliya musharaxna ah ahaydna in aan si gaar ah loo qaabilin iyadoo la fiirinayo doorashada oo beri ku beegan.
Kulankaan gaarka ah wuxuu shaki, kalsooni xumo iyo sumcad aan wanaagsanayn u keenayaa gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo eexday in uu ka dhagaysto nin tartan ku jiro inuu asnixiyo war isaga ka soo yeeray oo uu rabo in dagaala oogayaasha ay isaga codka siiyaan haddii ay arrintaan dhabowda oo sida lagu sheegay u dhacdo, waxaa imaanayso in kalsoonidii lagu qabay Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ay hoos u dhacdo noqotana mid carqalad geliso geedi u socodka nabada iyo sidii Soomaaliya u yeelan lahayd dowlad sinaan iyo cadaalad ku dhisan kana fog musuq maasuq iyo ku takrifal xoolaha shicibka iyo maamulka lagu amaanaysatay.
Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari aad iyo aad ayaa loogu hanweynaa in uu waxkqabto dhibaatooyinka ay ka tageen labada Shariif oo ilaa iyo hadda aan ka tanaasulin in ay ummadda Soomaaliyeed jalaafeeyaan una horseedaan dhibaato hor leh maadaama ay ku fashilmeen mudadii ay maamulka hayeen oo lunsadeen sida uu sheegay bangiga adduunka[Halkaan ka fiirso] lacago loogu talagalay shicibka Soomaaliyeed mar ay ku jireen dhibaatooyin abaar, cudur, nabadgelyo la’aan. Dowladii Shariifna ay noqotay Xarakutul Shabaab iyo Xukuumatul Shabaab oo uu sheegay mar uu ka hadlayey baarlamaanka Soomaaliya Musharax Xaaji Mohamed Yasiin Ismaciil halkaan ka fiirso.
Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaariyoow waad khaldantay haddii aad si gaar ah oo gooni ah u qaabishay Shariif Axmed oo ku fashilmay dowladiisii mudadii uu haystay kuna dhamaystay tamashle iyo safar badan oo aan wax caqli iyo danaha wadanka aan soo kordhin mudantahayna in uu ummadda ka hor wareego oo ay khaladtahay in aad baarlamaanka kusoo darto dagaal oogayaal uu isaga ka mid yahay kuna andacooda in aysan maxkamad xukumin xaqiiqda waxay tahay Soomaaliya kama jirin hay adihii dowlada ee fulin lahaa howlihii cadaalada oo waxaa xukumay sheegayna shicibkii ay dadka ka dileen arkeen lana wada ogyahay marka uma baahna maxkamad iwm.
Haddii aad kusoo biirisay oo aad oggolaatay in dagaal oogayaal la wada ogyahay aad kusoo biirisay baarlamaanka adigoo maqlaya warka Shariif la soo gamay kana iishay dhamaan musharixiintii kale oo aan haysan fursad loo wada dhanyahay xagga is sharaxaada dhinaca isgaarsiinta/saxaafada[TV. Raadiyo,Joornaalda iyo internet-ka] xoolihii ay ka dhaceen umadana ay ku kala iibsanayaan codadka xubnaha baarlamaanka waa cadaalo daro taasoo abuuraysa in aan isweydiino waxqabadkaaga iyo fulinta xilkii lagugu aaminay oo aad gabtay marka waxaa soo baxay ma waxaad tahay nin dano gaar ah ka leh jagada lagugu aamaaneystay. Maxaa xiga ?
Waxaa ay mudantahay in si gaar ah loola socdo Mr Jawaari iyo xiriirada uu la leeyahay wadanka Noorway oo uu mudo 20 sanno ka badan deganaa una hanbelyeeyeen doorashada loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya [halkaan ka akhriso] iyadoo aan ognahay in Noorway ay farogelin xun ku hayso Badda Soomaaliya sida la wada ogyahay shirkado reer Noorweey ah ay shidaal xadka badda ee Keenya iyo Soomaaliya oo la isku haysto ilaa iyo hadda labada Shariifna ay rabaan in dib loo soo celiyo wadahadalkii xuduuda badda Soomaaliya iyo Keenya oo horay wax kama jiraan laga soo qaaday. Yaa qoray qoraaladaan: Cinwaanka qoraalka shakiga abuuray ee Jawaari : Shaqsi xiriir dhow la leh dowlad Noorweey[Halkaan ka akhriso]
Laga bilaabo maanta haddii uu ka tanaasuli waayo Jawaari khaladka uu galay waxaan dabagal ku samayn doonaa dhamaan dhaqdhaqaaqyada uu sameeyo anagoo marwalba si cadaalad iyo xushmad ku dhisantahay idiinku soo bandhigi doona wixii tacadi ah ee aan aragno akhristayaashana waxaan ka rajaynaynaa in wixii ay arkaan oo tacadi ah ay noo soo gudbin karaan
www.qubanaha.com.
Joornaalka Soomaalida Nederland [JSN]
Info@somculned.nl
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5073