|

Muxuu Salka Ku hayaa Khilaafka Xalay Soo ka la dhex galay Pr Jawaari iyo Madaxweyne Shariif ?(Xog Culus)

Kulan kii xalay dhexmaray Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya iyo Madaxweyne Shariif ,ayaa waxaa hareyey dood kulul   Taasi oo ku wajahneyd sida laga yeelaayo Xubnaha Barlamanka ee muranka uu ka taaganyahay.

Madaxweyne Shariif ,ayaa waxaa la shegay in uu ku la taliyey Gudoomiyaha Barlamanka in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya laga na dhigo 14 ka bishan si loo xaliyo Arimaha xildhibanada lagu dhaganyahay ,taasi oo uu Pr Jawawaari gaashanka ku dhuftay oo yiri Doorashadana waxaa ay dhaceysaa 10 bisha lamana dhaafsiinayo Waqtiga loo asteeyey ,waxaana la si ku dayayaa in 10 ka bisha ka hor la dhameeyo howsha Muraka badan dhalisay ,hadii la dhameyn waayana waxaa la ga  dhigayaaa doorashada ka dib .

Madaxweyne Shariif ,ayaa hadal kaasi u arkay mid aan habooneyn isagoo ku dooday in ay qalad tahay in Xubnahaasi Barlamanka  loo Soo xulay lagu sii dhaganaado Xaqna ay u leyhiin in ay Codeynta ka qeyb qataan lana dhaariyo si deg deg ah .

Pr jawaari oo jawaab ku lu ka bixinaayey warka shariifka, ayaa waxaa u shegay in ,loo bahanyahay in la ga war sugo xubnaha Xalinta Khilaafaadka si ay howshaan  Xal ugu gaaraan , hadii doorashada ka hor Xal laga gaari waayo         waxa ahaboon in Belaha ay ka soo jeedaan Raga   la diidan yahay ay soo badalaan.

Shiikh shariif oo hadal kaais jawaab ka bixinaayey ayaa waxaa uu ku yiri Jawaari in ay taasi xaqdaro tahay oo aan loo bahneyn in shekada sidaasi loo ku lu leyo oo ay haboontahay in la raaco Maxkamada Sare ee wadanka ,oo la ixtiraamo qanuunka wadanka u yaala.

Xuno goob joog ka ahaa kulan ka ayaa waxaa ay www.qubanaha.com u shegeen in xaalka ku soo dhamaaday Muran iyo is afgaran waa ,waxaana ay u muuqataa in Xubnaha lagu dhagyahay aysan ka mid noqon doonin Dadka u codeynayo Madaxweynaha Soomalaiya ee Mustqabalka dhow  hadii maanta wax is badali waayaan.

www.qubanaha.com

Nagala sooxariir qubanaha@yahoo.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5047

Posted by on Sep 9 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented