Pr Jawaari oo Digniin Culus U jediyey Musharixinta Madaxweynaha.(Akhriso Digniinta)
Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomalia Prof Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo Maanta shir Jaraaid Saxaafada ugu Qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay arimaha doorashada Madaxtinimo Ee lafilayo in Maalinta Bari ah ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho .
Prof Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aysan dhici doonin in Musharixiinta Qaar ay sameeyaan ku shubasho cod iyo wax is daba marin waxaaana uu ku hanjabay in Musharixii lagu arko isagoo Musuq maasuq iyo laaluush kula dhex jira Baarlamaanka ay tilaabo Adag ka qaadi doonaaan .
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu kaloo ka hadlay Xubnihii mudooyinkii dambaba Muranka xoogani ka taaagnaa ka mid noqoshooda Baarlamaanka oo dhawaan Baarlaamnkuna usaaray Gudi Xal ka soo gaara Xubnahaasi waxaa uu sheegay Gudoomiyuhu in xubnahaaasi Maanta kama dambeys lagu dhawaaqayo Go.aankii laga qaatay ayna ka sugayaan gudigii ay usaareen.
Baarlamaanka Soomalia ayaa waxaa maalinta Bari ah looga fadhiyaa in Dalka ay usoo doortaan Madaxwayne daacad ah oo dhibaatada ka saari kara Soomalia iyaga oo uga wakiil ah Shacabka Soomaliyeed oo aan hada iyagu Codkooda waxba ku dooran Karin waxaana laga wada dhur sugayaan Waxa dhici doona Maalinta isniinta ah oo Tr-tahay 10 September .
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5054