|

AQOONYAHANO U HAMBALYEEYEY MADAXWEYNAHA CUSUB, HE; HASSAN SHEIKH MAXAMUUD.

Waxaan hambalyo leenahay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya HE: Hassan sheikh maxamuud. waxaan kale oon u hambalyeyneynaa dhamaan baarlamaanka soomaaliyeed iyo gudoonkooda, beesha caalamka , Igad iyo dowladaha aan saaxiibka nahay ee soo dhaweeyey doorashada madaxweynaha cusub. Waxaa kale oo mudnaan mudan in la xuso
Qudbadii Xil-wareejinta ee uu jeediyey madaxweynihii hore , ee dowladii ku meel gaarka aheyd. Mudane sheikh sharif sheikh ahmed. asagoo heerkaan soo gaarsiiyey ummadda soomaliyeed. in kasto oo dowladadiisa ku meel gaar aheyd. daruufo adag oo kale gedisan na la soo maray.

Waxaan ugu dambeyntii leenahay HE; madaxweynaha ummadda soomaaliyeed, mudane hassan  sheikh maxamuud, Qeyr iyo guul ayaan kuu rajeyneynaa . in allaha awooda leh ku la xafido xilkaan baaxada leh. waxaana  kuu rajeyneynaa in aad soo Xulato,  maamul iyo Xukumad Dadka iyo dadka anfacdo. aqoon iyo Karti na leh. Maadaama laga soo gudbay ku meel-gaar kii dhibka badnaa.  Beesha caalamka waxaan ka rajeyneynaa kaalmo deg deg ah , Si loo abuuro kaabayaashii dowlada. Shacabka soomaaliyeed na u dareemaan in ay dowladooda shaqeyneyso ilaa heer caalami. Maadaama ay la jaanqaadi doonto caalamka intiisa kale, xiligii ku meergaar ka,  na uu dhamaaday.

1. cabdinasir aden maxamuud.
2. maxamuud cabdi ingiriis.
3. Sayid cali elmi.
4.Ismaciil maxamuud cabdulle.
5. Mahdi maxamed cali.
6. osman ibrahim.

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5293

Posted by on Sep 11 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented