Ciidamada Booliis ka Kenya ayaa la waregay amaanka Qoyska Maxweynaha Cusub ee Soomaaliya ee degan Kenya.
Wararka ka imaanaya Magaalada Naiorbi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in qoyska Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ku nool Magaalada Naiorbi ay isku gadaameen Guriga ay ku nool yihiin Ciidamada Booliska Kenya.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Magaalada Nairobi ay degan yihiin Xaaska iyo Caruur uu dhalay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud oo xalay ku guuleystay xilkaasi kaddib Doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
” Ciidamo boolis ah ayaa saakay lagu arkayaa Xaafadda South C, ee Nairobi, Ciidamada boolis ayaa soo buuxdhaafiyay nawaaxiga guriga ay degan yihiin Qoyska Madaxweynaha” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu leeyhay labo Xaas, waxaana Madaxweynaha uu doonayaa in uu gacan weyn ka qaato is badalka siyaasadeed ee ka dhacay ee dalka Soomaaliya.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5274