Farmaajo :waan la shaqeyndoonaa Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya .
Maxamed C/laahi Farmaajo Raiisul wasaarihii hore Ee Xukuumadii tayo kana Mid ahaa Musharixiintii utaagneed Qabashada Xilka Madaxtinimada Dalka oo xalay laga Guuleestay ayaa waxaa uu si farxad leh usoo dhaweeyay Doorashada Madxwaynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaalia Sidii ay u dhacday habeenkii xalay ahaa waxaana uu sheegay in Qaab Cadaalad ah ay u dhacday Doorashadu .
Maxamed Cabdulaahi ayaa waxaa uu si wayn ugu hambalyeeyay Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Jamhuuriyada Soomalia Prof Xasan Sheikh Maxamuud waxaana uu sheegay in uu yahay Nin u qalma qabashada Hugaanka Dalka .
Waxaa uu sheegay Mr Farmaajo in uu la shaqey doono Madaxwaynaha Cusub uuna Gacan ka geysan doono Nabadeynta Soomaalia isagoo intaa ku daray in uusan ka tagi doonin Dalka uuna ka qayb gali doono hanaanka siyaasada Soomalia .
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa uu ka mid ahaa Ragii 25 ahaa Ee u tartamayay qabashada Xilka Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaalia waxaana uu si gaar ah ka mid ahaa ragii la is lahaa waa ay ku guuleysan karaan Xilkaas in kastoo wax walba aysan sidii la moodayay noqon oo Farmaajo uu ku haray wareegii koowaad Ee tartanka.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5288