Maalin Wanaagsan Mudane Madaxweyne.
Maalinta cusub madax weynaha cusub oo u dhashay soomaaliya ayaa waxaa lagu tilmaami karaa maalin boga taariikhda Soomaaliyeed kagali doonta baal dahaba ,
Qurba joogta iyo soomaalida kudhaqan soomaaliya ayaa waxaa kasoo yeeraya Taageero buuxda wajiyadoodana waxaa kamuuqanayay farxad weyn, sidii dad oomanaa mudo dheer oo haraad weyn qabay oo hal mar biyo helay.
waxaa kaloo qoraayada soomaaliyeed iyo kuwa caalamkuba waxay saaka qorayaan reyn-reyn iyo Soodhaweynyta MadaxWeynaha cusub ee soomaaliya Mudane xasan sheikh maxamuud .
Hadaba hiddidiilada iyo farxada umadda soomaaliyeed kamuuqata maxaa xigi doona ,aan qayaasee waxaa xigi doona ayaan isleeyahay waa hadii Ale idmee in lasoo dhiso dowlad tayo leh ,in hay’adihii dowlaya iyo wasaaradihii aya bilaabaan shaqo joogtaa ,in xawli lagu bilaabo dib udhisida wadanka si afarta sanoo soosocota wadanku uu dib ugu soo ceshado karaamadii,bilicdii iyo sharaftii uu kulahaa aduunka Si taas loogaaro , wxaanu kulatalinaynaa dowlada cusub in si qoto dheer looga fiirsado doorka ay fidno wadayaashii ama dagaal oogayaashii kaqayb qaatay dagaalada sokeeye.kaqaadan karaan dowlada cusub,
Maanta waa ilaahay mahadii Hadii madaxweyne cusub iyo aan kumeelgaar ahayn oo buuxda noodhalatay sidaas si le,eg ayaa waxaa loo baahan yahay dowlad lagu Xulay cilmi ,xirfad iyo Khibrad ,
Ugu danbayntii waxaan leenahay soomaaliyoo iskuduuban Mudane madaxweyne waan kudooranoo waan ducaynee Mudanoow nadaadihi..
Wxaa Qoray
Abukar Awale ( Qaad Diid )
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5284