Midoga Afrika oo cadalad ku tilmaamay Doorashadii Shalay Dhacday.
Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Wafula Wamunyinyi ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee caawa la doortay, Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafula wuxuu sheegay in doorashada ay ahayd mid xor ah oo si caddaalad ah ku dhacday.
AMISOM waxay ballan-qaadday inay la shaqeyn doonto madaxweynaha cusub, dowladdiisa iyo dadka Soomaalida.
Wafula wuxuu kaloo bogaadiyay dadaalka beesha caalamka, gaar ahaan ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga taageeradii uu ku lahaa soo af-jaridda xilliga KMG ah.
Wuxuu kaloo ammaan u jeediyay guddiga farsamada soo xulidda xildhibaannada iyo ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo xaqiijiyay ammaanka muddadii ay socotay doorashada iyo guud ahaan xilligii lagu howlanaa dhammeystirka marxaladda kala-guurka aheyd.
Wafula wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay dib u dhiska ciidanka xoogga dalka, isagoo sheegay in AMISOM ay dowladda cusub kala shaqeyn doonto dhaqangelinta qorshaha xasilinta amniga qaranka.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5269