|

Muxuu faroole ka yiri Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya?.

Puntland ayaa soo dhaweysay madaxweynaha cusub ee soomaaliya mudane Xasan Sh.Maxamuud oo ku  guulaystay kursiga Madaxweynenimada dowladda Faderalka soomaaliyeed ee 2012 ilaa 2017 hayn doona xilkaas.

Madaxweynaha puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa markii lagu dhaqwaaqay natiijada doorashada oo ay isugu soo hareen wareega 3aad Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Sh.Maxamuud oo iminka noqday madaxweynaha dowlad faderal ee soomaaliya ayuu warbaahinta la hadlay waxaana uu shaac ka qaaday in ay si weyn usoo dhaweynayaan guusha ay soomaaliya gaartay ee ay ku dooratay Madaxweyne Cusub.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in tani tahay isbadal muuqda oo usoo hoyatay ummada soomaaliyeed ” aniga oo ku hadlaya magaca dowlada iyo shacabka puntland in aanu masuud ka nahay madaxweynaha cusub ee soomaaliya loo doortay,waxaan si gaara ugu hanbalyeynayaa xildhibanada soomaaliya sida diiran ee ay ugu dhabar adaygeen xiliga doorashada iyo go,aanka wax ku oolka ah ee ay ku doorteen madaxweynaha cusub” Madaxweyne Faroole.

Madaxweynaha Cusub ayaa cod aqlabiyad ah ku qaaday doorashada isagoo helay 190 cod halka uu shariif sh.Axmed ka helay 79 cod.

Gudoomaiayaha golaha wakiiladda soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqida natiijada doorashada ka dib xusay in madaxweynaha la dhaariyo waxaana la dhaariyey madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud .

Shacabka soomaaliyeed ayaa si weyn ugu faraxsan nidaamka cusub ee ay ku talabsatay ummada soomaaliyeed oo ka baxaysa habkii hore ee KMG ahaa.

www.qubanaha.com

qubanaha@yahoo.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5303

Posted by on Sep 11 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented