C/wali Gaas oo u xusul duubaya inuu mar kale R/wasaare noqdo(Xog Muhiim ah)
R/wasaarihii hore ee xukuumadda KMG aheyd ee waqtigedu dhacay C/wali Max’ed Cali Gaas kana mid ahaa musharaxiintii u tartamayay doorashadii Soomaaliya ka dhacday ayaa wada ol ole uu ku doonayo inuu ku noqdo R/wasaaraha soo socda sida ay noo xaqiijiyeen dad xog ogaal ah.
C/wali Gaas oo la aaminsanyahay inuu M/weynaha cusub ku taageeray doorashadii uu ku guulaystay ayaa hadda wada qorshe uu ku doonayo inuu ku noqdo R/wasaaraha Soomaaliya waxaana wararku ay xusayaan inuu doonayo xataa uu waayo inuu keensado shaqsi uu asagu wato.
War hoose oo aynu helnay ayaa sheegaya in C/wali Gaas uu dhawr jeer ku laalaabtay hoyga uu magaalada Muqdisho ka daganyahay M/weynaha cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Shiikh.
Gaas ayaa xusul duubkii ugu weynaa ugu jira in haddii uu asagu waayo inaysan beeshiise seegin xilka r/wasaranimada Soomaaliya.
Dadaalka uu Gaas wado waxaa ka mid ah inuu jiro warar hoose oo sheegaya in magaalada Muqdisho uu ku wajahanyahay M/weynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo ay la socdaan illaa iyo 50 ruux oo loo doonayo inuu M/weynuhu ka xusho midkii R/wasaare loo magacaabi lahaa.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in M/weynuhu uu magacaabi doono R/wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha xubno ka tirsan Jaamacadda SIMAD oo uu aas aase ka yahay.
Shaqsiyaadka illaa hadda ku jira suuqa waxaa ay sheegayaan in M/weynuhu uu R/wasaare u rabo inuu ka dhigo mas’uul ka soo jeeda beesha Sade taasoo aysan aqbali doonin Puntland.
C/wali Max’ed Cali Gaas R/wasaarihii hore ee xukuumadii waqtigeedu dhamaaday ayaa horey u waday qorshe ka dhan ah M/weynihii hore Sh, Shariif Sh, Axmed waxaana shaashadaha laga daawaday maalintii ay doorashadu socotay asagoo tanaasulaya dhahayana “Isbadalka hala taageero”
Gaas ayaa hadda isku haysta inuu yahay siyaasi wax garad ah oo guul meel la fadhiya.
Dad badan oo reer Muqdisho ah ayaa aaminsan in siyaasadda Soomaaliya ay hadda ku wanaagsan tahay in fursad R/wasaaranimada la siiyo beelaha kale ee Daarood Puntland dhagaha la ga ooto.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5360