|

Farmaajo iyo Madaxweynaha Cusub Maxey ka wada hadleen.(Akhriso)

Wararka anaga soo garaya Magaalada Muqdisho ee Xarunta Wadanka Somalia ayaa waxaay tibaxayaan in manta magaaladaasi ka dhacay Kulan ay wada qateen Madaxweynaha Cusub ee Somalia Xasan Sheikh  iyo  R/wasaarihi hore ee Somalia  Maxamed Cabdilahi Farmaajo.

Kulanka Madaxweyne Xasan uu la qatay R/wasaarihi hore ee Somalia ayaa waxaa uu ahaa Kulanki ugu horeyay ee Madaxweyne Xasan ku qabilo mid ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliyeed.

Kulanka Labada masuul ayaa waxaa uu ka dhacay  Hotel ku yaala Magaalada Muqdisho  waxaana Casumada kulankaasi laha Madaxweynaha Cusub ee Somalia Mudan Xasan Sheikh.

Mid ka mid ah Xoghaynada Madaxweyne Xasan oo  qaar ka mid ah waxyaabihi kulankaasi loga hadlay saxaafa si hoose ugu soo dusiyay  ayaa waxa uu shegay in Madaxweyne Xasan uu R/wasaarihi hore ee Somalia ka codsaday in u la Shaqeeyo  Dowlada cusub ee Somalia.

Shaqsigaas goobjoga ka  ahaa kulaanka labada Masuul ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Madaxweyne Xasan Sheikh uu u so jeediyay  R/wasaare Farmaajo in uu noqdo R/wasaaraha Dowlada Cusub ee Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxaa uu  awooda saraya in uu soo jiito Indhaha iyo dhagaha Shacabka Somaliyeed  waxaana ay ula muqatay in uu qiimeeyo dareenka Shacabka Somaliyeed  islamarkana uu u magacaabo R/wasaarihi hore  ee Somalia  in uu noqdo R/wasaaraha Cusub ee Somalia.

Si kastaba ha ahaate hadi Madaxweyne Xasan Sheikh uu Xilka R/wasaaraha Somalia u soo magacaabo  R/wasaaarihi hore ee Somalia waxaa uu ku soo jiidan doono qulubta Shacabka Somaliyeed kuwaas oo u omaan in ay mar un arkaan Mudane Farmaajo oo dib ugu soo labta Shaqada Qaranka Somalia.

Cabdilahi Muuse

Muqdisho-Somalia

www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5370

Posted by on Sep 12 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented