Howlgalo Amaanka lagu Xaqiijinaayo oo ka socda Deegaano hosyimaada Gaalkacyo.
Gaalkacyo[ qubanaha):- Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa isagoo horkacaya ciidamo Boolis ah oo wata gaadiidka gaashaaman waxaa uu gaaray deegaano ka tirsan gobolka Mudug kuwaasi oo xiga dhinaca xuduuda gobolka Mudug uu la wadaago dalka Itoobiya.
Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ka koobnaa Saraakiisha iyo ciidamada Booliska waxay tageen degmooyinka Galdogob iyo Beesha Bursaalax ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay ka soo sameeyeen hawlgallo lagu xaqiijinayo amaanka deegaanadaasi.
Mudane Tigey ayaa sheegay in ciidamada Booliska Puntland ee uu hoggaaminayay ee gaaray deegaanka Bursaalax ay gacanta ku soo dhigeen kooxo argagaxiso ah, kooxo burcadbadeed ah iyo maandooriyaha khamriga iyo dadkii isticmaalayay intaba.
“Hawlgal baaxad leh ayaan Bursaalax ka sameynay, waxaan soo qabanay kooxo burcadbadeed ah, kooxo argagaxiso ah iyo maandooriyaha khamriga oo aad u farabadan, waxaa kaloo ciidamadu soo qabteen shan nin oo ahaa burcaddii dhacday raashin WFP ay ugu talo gashay in ay ku quudiso 816 qoys, waxaana dambiilayaashaasi soo qabtay Booliska” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug.
Mudane Tigey, wuxuu mahad celin iyo boggaadin u jeediyay ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee hawlgalkaasi ku guuleystay, wuxuuna sidoo kale u mahad celiyay Gudoomiyuhu shacabka Beesha Bursaalax oo uu ku amaanay siday xogta u siiyeen ciidamada Booliska.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac wuxuu sheegay in ay dambiilayaasha laga soo qabtay Bursaalax horkeeni doonaan sharciga laguna qaadi doono dambigii ay galeen, isagoona sheegay Gudoomiyuhu in ay sii socon doonaan hawlgalada lagu xaqiijinayo amaanka iyo xasiloonida gobolka Mudug.
www.qubanaha.com
Falastiin Cabdi Cabdule Galaakacyo
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5349