Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kulan la yeshay Xubno ka socda Besha Caalamka (Daawo Sawirada)
Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale xubno kale oo ka socday beesha caalamka ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirka jaraa’id ka hadlayay ayaa ku tilmaamay qaraxaasi iney qeyb ka tahay Soomaaliya dhibaatooyinka ka jira hayeeshe taasi laga gudbayo.
Xasan Sheekh madaxweynaha Soomaaliya ayaa faahfaahin kasiiyay wasiirka arimaha dibada Kenya sida uu yahay xaalka Muqdisho iyo sidoo kale qaabkii wanaagsanaa ee ay udhacday doorashada.
Wasiirka arimaha dibada Dowladda Kenya Mosses watangula ayaa dhankiisa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu uwado dhambaal kaga yimid dhanka Madaxweynaha dalka Kenya kaasi oo ku aadan hambalyo loogu hambalyeeynayo xilka uu ku guuleestay.
Moses Watangula ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in dowladda Kenya ay la garab taagan tahay wada shaqeyn dhinac waliba ah iyo sidoo kale garab istaagida dowladda cusub ee Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa la magacaabay maalmo ka hor waxaana isa soo taraya hambalyada loo jeedinaayo ee ku aadan guusha uu ka gaaray doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5402