Munaasabad lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ka dhacday mgaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.(Daawo Sawiro).
Munaasabadaan ballaaran ee lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kasoo qeyb galay marti sharaf uu ka mid ahaa Safiirka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay dalka Koonfur Afrika Ambasador Sayid Shariif Xasan Cabdalla, Maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, Ganacsatada, Aqoonyahanada, Odayaasha, Haweenka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaani Koonfur Afrika.
Munaasabadaani oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horeyn munaasabadda ka hadlay mid ka mid ah odayaashii suurageliyay in munaasabadaani la qabto Nabadoon Xaaji Cabdi Wehliye. Nabadoonka ayaa sharaxaad ka bixiyay micnaha ay ximbaarsan tahay munaasabadaani, sidoo kalana sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay mudanihii loo baahnaa ee ay Bulshadu sugeysay ayna u rajeenayaan inuu noqdo mid dalka midnimo, cadaalad iyo horumar kusoo dabaala.
Intaas kadib waxaa munaasabada ka hadlay dad iskugu jiray; Ganacsato, Aqoonyahano, Arday iyo odayaal oo iyaguna ka warbixiyay wanaaga faraha badan ee ay ka rajeenayaan madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Dhammaan xubnihii munaasabada ka hadlay waxay dadkii munaasabada kasoo qeybgalay ku dhiiri gelinayeen inay madaxweynaha cusub garab istaagaan laguna dadaalo sidii dalkii dib loo dhisi lahaa.
Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalkaani Koofur Afrika mudane Sayid Shariif Xasan Cabdalla oo goob joog ka ahaa munaasabadaan ballaaran ee ay soo qaban qaabiyeen Guud ahaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku dhaqan dalkaani Koonfur Afrika ayaa sheegay ugu horeyn inuu sallaan baaxad weyn uga wado madaxweynaha cusub mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyagana uu ka gaarsiin doono taageerada aad diyaarka ula yihiin iyo sallaanta ay hawada u marinayaan.
Safiirka ayaa intaas ku daray in dhawaan la furi doono Xafiiska Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo dhawaanahaanba ay ku socdeen qalabeen, wuxuuna safiirku balan qaaday in shaqada ugu horeysa ee ay safaaraddu qaban doonto ay noqon doonto, diiwaangelinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaani Koonfur Afrika looguna tagi doono tuulooyinka fog fog ee ay Soomaalidu ka xamaashaan.
Gabagabadii Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay Xaaji Muuse Ganjab oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ugu waaweyn dalkaani Koonfur Afrika, wuxuuna ganacsaduhu sheegay in isagoo ku hadlaya magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay si buuxda oo aan loo kala harin u taageeraan madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Isagoo intaa ku daray ganacsaduhu inuu haatan safar u yahay Muqdisho si uu uga qeyb qaato isbadalka muuqda ee dalka Soomaaliya ka socda.
Shirkadda Salama Cash and Carry oo iyadu aheyd shirkadii magaceeda lagu xusay munaasabadda ayaa lagu sheegay inay taabo gelisay qabsoomidda munaasabadaan, sidoo kalana waxaa dadweynihii kasoo qeyb galay munaasabadda loo qeybiyay warqado loogu sheegayay in cidii lacag ugu tabaruceysa Xafiiska Safaaradda ama rabta in loo sameeyo dukuminti ay lacagaha ku shubaan Bangiga Salaama xaruntiisa Johannesburg ee dalkaani Koonfur Afrika.
W.D: Mahad Maxamed Sheekh (Istiila)
E-mail. istiile@hotmail.com
Johannesburg – South Africa
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5543





