Rag soomaali ah oo Wax yabaha Qarxa wata oo lagu qabtay Magalada Nairobi .
Ciidamada Booliska Dalka kenya ayaa Saaka waxaa ay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ka qabteen 2 Ruux oo Soomaali ah kuwaas oo lagu qabtay iyagoo wata waxyaabaha Qarxa oo aad ubadan iyo Qoryaha Gacanta Ee AK47 oo ay ku doonayeen in ay dhibaatooyin uga geestaan Gudaha Dalka Kenya sida uu sheegay Booliska Dalkaasi .
Booliska Kenya ayaa waxaa uu sheegay in Labada Ruux ee ay Maanta qabteen ay wateen in ka badan 20 Bambaano iyo Qoryo AK47 ah oo ay Markaa ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Dadka Reer Kenya afayeen uhadlay Booliska ayaa waxaa uu hadal uu saxaafada siiyay waxaa uu ku sheegay in Ragaan Soomaalida ah ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab ayna qorshaynayeen In ay Qaraxyo iyo weeraro ka Geestaan Kanisadaha Dalkaasi Marka la gaaro Maalinimada Axada ah oo Dadka ay Fasaxyihiin .
Dowlada Kenya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay Markii ay Ciidamadeeda soo Galisay Gudaha dalka Soomaalia waxaa soo badanayay Falalka amaan darada ah ee dalkeeda ka dhacay iyadoo dhibaatooyin badan oo dalkaasi ka dhacay ay Sheegatay Xarakada Al-Shabaab Ee Dalka Soomaalia ka dagaalameysa waxaana xusid Mudan in Al-Shabaab ay horay wacad ugu mareen in Kenya ay dhibaato badan ugeysan Doonaan .
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5551