|

Ferguson oo doonaayo in ay xiriir wanaagsan ay wada yeeshaan Liverpool.

Sir alex ayaaa ku dhawaaqay in ay dhamaantoonta colaada sports ee dhaxtaala kooxda Manchester united iyo kooxda Liverpool.

Hadaba labadaan kooxood ayaa waxaa ka dhaxesa hurguf colaadeed ee ispoortis ah taa Oo soo jiitameesay mudo.

“Waxaan nahay laba kooxood oo waa weyn anaga iyo Liverpool ” Ferguson ayaa sidaa yiri  Mar uu ka hadlaayay ciyaarta ay a yelan doonan wigan.

“Waa in aynu fahan naa dhibaatada na dhextaal.waxaana haboon in lees wada cafiyo oona dabeecad fiican oona hufan lala yimaado ayaga iyo anagaba”

1Si kastaba ha noqotee labadaan kooxood ayaa iska hor imaan doona isbuuca xiga kuna Kulmi doona gegeda Anfield ,waxaana la filayaa in xaalka uusan noqon sidii xili Ciyaareedkii aynu soo dhaafnay o kale.

Waxaanu ognahay in laacibka Liverpool Luis Suarez laga mamnuucay 8 ciyaarood Kagadaal markiii uu aflagaado jinsiyadeed u geestay ciyaaryahanka reer France una Ciyaara kooxda Manchester United waa ciyaaryahanka  Patrice Evra mar ay labada Kooxood ay ku kulmeen anfield bishii October ee sanadii hore.

Dib aye u kulmeen labada kooxood laakin Suarez ayaa si cad u diiday inuu gacanta geliyo Amaba uu salaamo ciyaaryahanka Evra marka ay ku kulmeen Oldtrafford bishii February Ee sanadaan halkaa oo ay kooxda Munchester United ku guuleeatay 2-1..

Fetah Ali (liida

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5603

Posted by on Sep 15 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented