Madaxweynaha Soomaaliya oo shegay in cafis madaxweyne lagu siideyndoonin Maxabiista.
M/waynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Prof xasan Sheikh Maxamuud oo galabta Shir Jaraaid ku Qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay arimo dhowr ah waxaana uu ugu horeyn ka hadlay arimaha Maxaabiista hada ku jirta Xabsiyada iyo kuwa kale ee la soo qaban doono .
Madaxwaynaha ayaa waxaa uu sheegay in hada ka dib aysan dhici doonin in si Musuq maasuq ah loo sii daayo dadka la soo qabto iyadoo aysan Maxkamadi Xukumin taas oo uu sheegay in ay aad ugu badneyd Dowladii KMG ahayd ee waqtigeedu dhamaaday .
“waxaan rabaa in aan u sheego dhamaan hay.adaha Amaanka in wixii hada ka dambeeya ay dhamaatay in dadka Maxaabiista ah la iska sii daayo oo si Musuq maasuq ah lagu sii daayo waxaan amrayaa in hada ka dib aysan jirin arintaas cidii lagu arkana ay dambiile noqoneyso Qofkii Dambi lagu soo qabto ee ay maxkamadi xukunto hadii 20 sano lagu xukumo xitaa majiri doono Cafis Madaxwayne xitaa munaasabadaha Ciida taa anaa balan qaaday “ayuu yiri xasan Sheikh Maxamud M/waynaha Jamhuuriyada Soomaalia .
Hadalka Madaxwaynaha ayaa waxaa laga dhadhansan karay in ay jirto In Dadka lagu soo qabto howl galada ay Ciidamadu sameeyaan lagu sii daayo qaab Musuq Maasuq iyo Qabiil ah ama Mararka qaar lagu sii daayo lacago taas isagoo ka duulaya ayuu amar ku bixiyay Maanta in ay dhamaatay in Shaqsi amarkiis lagu sii daayo Qof Maxbuus ah Xitaa Madaxwaynaha waxaana ay tani saameyn doontaa Maxaabiis badan oo ku jira Xabsiyada Magaalada Muqdisho .
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5661