Madaxweyne ismaaciil cumar geele oo muqdisho Soo gaaray.
Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cuamar Geelle ayaa ka soo degay garoonka diyaaraha Muqdisho halkaas oo si waeyn loogu soo dhaweeyay isaga wafdiga uu hoggaaminyo.
Mudane Ismaaciil Cumar Geello ayaa waxaa la socda wafdi ballaaran oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyadoo ay keentay diyaarad weyn, waxeyna ka qeybgalayaan xafladda caleemasaarka Madaxweynaha J.F.Somaaliya Prof. Xasan Sh. Maxamuud.
Sidoo kale wafdi ka socday dowladaha Ethiopia, Uganda iyo Kenya oo ay kala hoggaaminayeen wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamadaasi ayaa iyaguna ka soo degay garoonka Aadan Cadde halkaas oo loogu soo dhaweeyay si wanaagsan.
Wafuudda ka soo qeybgeleysa xafladda caleemasaarka madaxweynaha J.F.Soomaaliya ayaa ku soo qulqulaysa Muqdisho iyadoo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay si diirran ugu soo dhaweynayeen guddiyada qaabilsan qabanqaabada xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha.
qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5677