|

Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Konfur Africa.

Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Konfur Africa sida ay xaqiijinayaan ila wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan goobta dilku ka dhacay.

muwaadinkaan Soomaaliga  oo lagu magacabi jiray  Xasan Xuseen , wax uu dilkiisu ka dhacay magaalo yar oo lagu magacaabo prow  oo ka tirsan Cape Town.
Burcad hubaysan oo u dhalatay dalka Konfur Africa, ayaa marxuunka toogasho ku dilay xili uu ku guda jiray howlihiisa caadigaa,
waxa kasoo baxaya warar kala duwan oo sheegaya in marxuunka marka ladilayay kahor muran uu dhax maray burcada iyo Ganacsadaha
Waxa ay Boolisku xaqiijiyeen geerida marxuunka iyaga o dhanka kale sheegay in lagu raadjoogo dadkii falkan geysaty sida ay hadalka u dhigeen.
Dilkan iyo dilalka kale  Oo isbuucyadi la so dhaafay ka dhacay dalkaasi waxa ay qayb ka yihiin tacadiyo loo gaysto Soomaalida dalkaasi ku nool oo si arxan daraa loola dhaqmo.
Waxa horay naftooda u waayay boqolaal Soomaali ah gudaha dalka Konfur Afrika xili ay shaqooyinkooda iyo ganacsigooda ku guda jireen,
waxyana midani cabsi iyo wal walk u beertay soomaalida dalkaasi ku nool.
Abdirahmaan Muumin (Codeey)
Email:Codeey9@hotmail.com
South Africa Cepe Town

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5799

Posted by on Sep 17 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented