Baro: Maalinta Misaaniyada Nederland : Prinsjesdag 2012 + Daawo
Somculned.nl: Talaado 18-09-2012: [JSN]: Qormadaan waxaan kusoo qaadanaynaa taxane loogu talagalay in aan uga faaiideyno Soomaalida ku cusub iyo kuwa baranaya luqada Nederlaaandka oo ku jira inburgering-ka ee looga baahanyahay in ay bartaan dhaqanka, luqada iyo shuruucda u dajisan wadanka Nederland iyo hay adihiisa dowlada ee fidiya adeegyada kala gedisan ee ay u fidiyaan shicibka Nederland si ay ugu qaybqaataan geedi socodka nolosha Nederland.
Dastuurka Nederland iyo dowlada
Nederland waa wadan dastuurkiisu yahay dastuur boqortooyo waxaana madaxweyne u ah boqorada Nederland. Dowlada Nederland waxaa ku tartama xisbiyada ka jira Nederaland kuwaasoo afartii sanaba dhiga doorasha ay dadka ka qaybqaadan karaan laakiin cidii ama xisbigii ku guulaysta waa in ay u geeyaan boqorada Nederland si ay usoo ansixiso. Waxaa kaloo boqorada ay ka oggolaataaa haddii ay dowlada in casisho oo ruqsadooda ay iyadana ansixisaa sida dhacday bishii april isla sannadkaan markii ay kala aamin baxeen xisbiyadii ka talinayey wadanka Nederland oo loo aaneeyo in uu ka danbeeyey kaligii taliye cunsuri Geert Wilders. Si aad u fahamto luqada Nederlandeeska fadlan dhagayso filimka hoose.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5839