Mudane ka tirsan kenya oo shegay in in wasiirka arimaha dibada kenya uu is ka hadlay.
Maxamed Cabdi Afeey oo kamid Xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya ayaa si kulul ugu hadlay hadal maalinkii shalay ka soo yeeray Wasiirkada Arimaha Dibadda dalka Kenya Sam Ongeri ee ahaa in qaraxii ka dhacay isbuucii hore Hotel Al-Jaziira ee Muqdisho uu ka dambeeyey Madaxweynihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Afeey oo la hadlay Wargeyska Dialy Nation ee ka soo baxa dalka Kenya isagoo ku sugan Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sheegay in hadalka wasiirka uu ahaa mid uusan ka fiirsan islamarkaana daciif ah.
Maxamed ayaa xusay in isaga uu qeyb ka ahaa wafdigii ku sugnaa Hotelka Al-Jaziira waxa uuna sheegay in Shariif Sheekh Axmed markii ay dhaceen qaraxyada uu soo gaaray goobta taasina waxa uu yiri ‘ma ahan mid loo maleyn karo inuu ka dambeeyey ee waa ka nixid uu ka naxay falka isaguna uu masuulka dalka ahaa xiligaasi oo uusan wareejin talada dalka, uuna soo eegayey wax ka dhacay Hotelka’.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Afey ayaa tilmaamay in Wasiirka uu rabo inuu ka dhex abuuro tashwiish dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiyiintii kala shaqeyn lahayd dhanka talada dalka.
“ Waxaa xusid mudan in hadalkaasi uusan sal lahayn, waxaan ognahay in weerarkaasi masuuliyadeeda ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab, waa hadal afgambi diplomaasiyadeed oo cad, oo la doonayo in lagu carqaladeyo dowladda cusub ee Soomaaliya, Inuu Sam Ongeri yiraahdo Sheekh Shariif ayaa ka dameyey qaraxaasi waa mid isaga uu daliishanayo kuna sheegayo inuu Shariif yimid qaraxa kadib, waa wax lala yaabo” Ayuu Daily Nation u sheegay Xildhibaan Maxamed Cabdi Afey.
Hadalka Xildhibaanka ayaa yimid kadib markii maalinkii shalay ay saxaafadu sheegtay hadal Ongeri laga soo tabiyey ee ahaa in Shariif Sheekh Axmed uu ka dambeeyey qaraxaasi, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Shariif Sheekh oo ku aadan hadalkaasi.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5848