Ciidamo Nigerian ah oo Muqdisho ku sugan
Ururka midawga Africa ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay dhawaan soo gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada wadanka Nigeria kuwaasoo qeyb ka noqon doona ciidamada Booliska AMISOM ee Muqdisho ka hawl gala.
War saxaafadeedka kasoo baxay ururka Midawga Africa ayaa waxaa lagu sheegay in 16,kii bishaan September, ay magaalada Muqdisho soo cago dhigteen cutubyo ka tirsan ciidamada boolidska dalka Nigeria kuwaasoo ku biiray hawlgalka ay magaalada Muqdisho ka wadaan booliska AMISOM.
U qaabilsanaha wakiilka arrimaha ururka midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Abuu Bakar Diyara ayaa sheegay in ciidamada Nigeria ka socda ay ka hawl gali doonaan magaalada Muqdisho kuna gacan siin doonaan ciidamada booliska Soomaaliya sugida amaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Midawga Africa waxaa Soomaaliya ka jooga dhawr kun oo askari kuwaasoo militry iyo boolis iskugu jira.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5911