Dawlada Ireland oo ciidamo si gaar ah u tababaran u soo diraysa xeebaha Soomaaliya.
Dawlada Iraland ayaa ku dhawaaqday inay ciidamo si gaar ah u tababaray ay u soo dirayso xeebaha Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida
War lagu qoray wargeyska Irish Times oo ka soo baxa magaalada Dublin ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo si gaar ah u tababaran ay u soo dirayaan xeebaha Soomaaliya kuwaasoo ka mid noqonaya ciidamada midawga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ku sugan.
War kasoo baxay wasaradda gaashaandhiga Ireland ayaa waxaa lagu sheegay in guuto ka tirsan ciidamadooda badda gaar ahaan guutada la yiraahdo 30 Rangers inay dhawaan ku soo wajahan yihiin xeebaha Soomaaliya isla markaana ay si buuxda ula dagaalamayaan burcad badeeda Soomaaliyeed.
Ciidamadaan ayaa sidoo kale la sheegay inay la shaqeyn doonaan ciidamada badda Soomaaliya .
Golaha wasiiradda xukuumada Ireland ayay wararku sheegayaan inay ansixiyeen in ciidamadaan loo soo diro Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan ciidamada la dagaalanka burcad badeeda.
Dalka Irealand oo ah mid wadan ku yaala waqooyiga qaaradda Yurub kana go’day dal weynihii Ingiriiska ayaa dhawr jeer soo hadal qaaday arrimaha burcad badeeda Soomaaliyeed.
www.qubanaha.com
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5901