|

Ingiriiska oo sharci darro ku tilmaamay hawlgalka ay biyaha Soomaaliya ka wadaan maraakiibta dagaalka Kenya

Wakiilka dawlada Ingiriiska u fadhiya golaha amaanka ee Q,M Mark Lyall Grant oo ka hadlayay hawlgalka ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay duqeymaha ay Soomaaliya ka geystaan maraakiibta dagaalka ee Kenya waxaana uu xusay in maraakiibta Kenya aysan qeyb ka aheyn hawlgalka midawga Africa ee AMISOM la yiraahdo.

Danjire Mark Lyall Grant ayaa sheegay inay u arkaan hawlgalka ay maraakiibta Kenya ka wadaan biyaha Soomaaliya mid aan sax aheyn isla markaana sharci darro ku noqon karta hawlgalka AMISOM.

Safiirka Ingiriiska ee Q,M waxaa uu xusay inay jiraan dhibaatooyin ka dhashay gantaalo ay maraakiibta dagaalka Kenya ka geysteen magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda oo uu sheegay in ay ahaayeen kuwa xad gudub ku ah qaanuunka caalamiga.

Golaha amaanka ee Q,M ayuu danjiruhu xusay inaysan ka war qabin in hawlgalka AMISOM ku jiraan maraakiibta dagaalka hase ahaatee ay og yihiin in ciidamada lugta gudaha usoo galaan Soomaaliya.

“Sidaan ognahay maraakiibta dagaalka Kenya kama mid aheyn qorshihii ay Kenya AMISOM uga mid noqotay waxaana ognahay inay tacadiyo geysteen oo dad rayid ah dileen” ayuu yiri danjiraha Ingiriiska u fadhiya Q,M Mark Lyall Grant.

Kenya oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa dagaalada ay Shabab kula jiraan waxaa ka qeyb qaata diyaaradahooda iyo maraakiibtooda dagaalka.

Duqeymaha Kenya Soomaaliya ka geysteen waxaa ku waxyeeloobay dad badan oo rayid ah oo aan dagaalada wax lug ah ku laheyn.

 www.qubanaha.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5897

Posted by on Sep 19 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented