Madaxweynaha oo bilabay latashiyo dhinaca Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali gaas oo ku jira Dad ka la la tashanaayo (AKhriso)
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Xalay waxaa uu kulan ay al Baabadu U xirnaayeen kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Qaar ka mid ah Musharixiintii ay ku wada tartameen Xilka Madaxtinimada 10 Bishaan September waxaana uu kala hadlayay Sidii ay Talooyin uga siin la haayeen soo Magacaabista Ra;iisul wasaaraha dalka .
Musharixiinta uu M/weynuhu Xalay la kulmay ayaa waxaa ka Mid ah Prof Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo
C/laahi Axmed Cadow
Axmed Cismaaciil Samatar
Cabdi Raxmaan Macalin C/laahi Baadiyow
Yuusuf Garaad Cumer Axmed
Cabdi wali Maxamed Cali Gaas iyo kuwa kale
Kulankoodu Markii uu soo idlaaday ayaa waxaa la hadlay Warbaahinta Qaar M/weynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Prof Xasan Sheikh Maxamuud waxaana uu sheegay in uu aad ugu Mahad Celinayo Musharixiintii uu la kulmay Sida ay taageerada ula garab taagan yihiin Mar walba isagoo faah Faahiyay wax yabaha ay ka wada hadleen in ay ka mid ahyd Talooyin ay u soo gudbiyeen oo la xiriira dhinaca Magacaabista Ra’iisul wasaaraha.
M/weynaha ayaa dhinaca kale waxaa uu sheegay in Asbuucaan uu guda galayo Soo Magacaabista Ra;iisul wasaaha Cusub ee Soomaaliya ay yeelaneyso waxaana uu tilmaamay in ay jiraan Mas’uuliyiin Badan oo CVyo usoo Gudbiyay uuna Diirada Saari doono Ruuxii uu u arko in uu wax ka qaban karo Marxalada Dalku ku sugan yahay waxaana Xiliga uu hadlayay Garabkiisa taagnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari .
www.qubanaha.com
Xigasho Kulmiye
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5924