Max’ed Cusmaan Aadan (Edson) oo mudo Qunsul ka ahaa Safaarada Soomaalida kenya oo geriyooday.
Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya Max’ed Cusmaan Aadan (Edson) ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee Caasimadda wadanka Kenya.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Max’ed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa xaqiijiyay geerida Qunsulka, waxa uuna sheegay in uu ku geeriyooday Cusbitaalka Nairobi Hospital.
Edson ayaa bilihii u dambeeyay lagu daaweenaayay cusbitaalka kadib xanuun daran oo soo wajahay, waxaana lagu wadaa in maanta lagu aaso Magaalada Nairobi, sida uu sheegay Danjire Cali Ameeriko.
Max’ed Cusmaan Edson ayaa waxaa u ahaa Ganacsade ka hor inta uusan kusoo biirin Siyaasadda, waxa uuna ka mid ahaa musharraxiintii u tartantay xilka madaxtinimada Soomaaliya doorashadii Jabuuti ka dhacday 2009-kii.
www.qubanaha.com
Nairobi
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=5893